Farsamada Wi-Fi Ee Internet Ka Loo Maro Oo Looga Guurayo Mid Cusub Oo Ah Li-Fi Iyo Farqiga U Dhexeeya

0
610

Picture6Helsinki (Geeska)- Shirkadda Estonian Start-up Velmenni oo xarunteedu tahay magaalada Tallinn ee dalka Finland ayaa dhowaan tijaabisay farsamo ay u bixisay Li-Fi oo loo marayo Internet ka, kaas oo ay doonayso in uu beddelo farsamada hadda la adeegsado ee Wi-Fi.

Warkan uu Geeska Afrika ka soo xigtay Alcarabiya ayaa sheegaya in adeegga Li-Fi uu dhinaca xawaaraha boqol laab ka badan yahay Wi-Fi, sidaa awgeed ay suurtogal tahay in Filimo culus lagu soo dejiyo ilbidhiqsiyo gudahood.

Adeegga Li-Fi oo ilayska u adeegsanaya dirista xogta uu hawada marinayo, ayaa Shirkadda Velmenni ee samaysay ayaa tijaabo la xidhiidha adeeggeeda Li-Fi oo ay samaysay waxa ay ku xaqiijisay in adeeggani uu meesha ka saarayo in ay lunto xogtu inta aanay gaadhin qofka dalbaday, sida in badan dhacda marka la adeegsanayo farsamada Wi-Fi.

Deepak Solanki oo ah agaasimaha fulinta ee shirkadda Velmenni ayaa mar uu u waramay degelka IB TIMES ee dalka Ingiriiska waxa uu sheegay in hadda ay weli wadaan tijaabooyin ay xarumahooda iyo xafiisyadooda ku isticmaalayaan Li-fi, ka hor inta aanay u soo bandhigin isticmaalka dadka.

Si kastaba ha ahaato ee adeegga Li-Fi bilowgiisii ayaa ahaa sannadkii 2011kii oo uu ikhtiraacay Professor Herald Haas oo ka tirsan jaamacadda Edinburgh ee dalka Scotland. Farsamada cusub ee Li-Fi waxaa si gaar ah u dhiirrigelinaya fulintiisana dabada uga riixaya shirkadaha duulimaadyada ee caalamiga ah, kuwaas oo doonaya in adeegga Li-Fi uu noqdo hab-is-gaadhsiineed casri ah oo kan hadda ka wanaagsan oo ay diyaaraduhu isticmaalaan. Waxaa iyaguna barnaamijka Li-Fi daneeyey haayadaha sirdoonka dunida oo dhinacooda doonaya in ay ka ogaadaan illaa xadka ay farsamada Li-Fi ka aaminsan tahay, farsamada Wi-Fi marka laga eegayo dhinaca ammaanka xog isku dhaafsiga.