Dawo Cusub Oo Dadka Qaba Macaanka Ka Ilaalinaysa Indho La’aanta Ka Dhalatay Cudurkan

0
751

Picture11Washington (Geeska)- Haayadda cuntada iyo dawada Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo FDA ayaa ogolaatay dawo cusub oo loogu talagalay daweynta xanuunka afka caafimaadka lagu yidhaahdo Retinopathy oo ku dhaca shabakadda aragga ee dadka qaba cudurka macaanka, kana mid ah sababaha ugu muhiimsan ee keena indho la’aanta ku dhaca dadka da’doodu u dhaxayso 20 jir illaa 47 jir ee qaba macaanka noociisa koowaad iyo labaad.

War murtiyeed ay khamiistii ina dhaaftay soo saartay haayaddan FDA oo dawladda Maraykanka uga masuul ah hubinta tayada cuntada iyo dawada ayaa ay ku sheegtay in dawadan cusubi ay tahay iraab magaceeduna yahay Eylea, waxaana lagu mudayaa gudaha isha qofka qaba cudurkan Retinopathy oo ka dhasha cudurka macaanka aakhirkana keena indho la’aan.

Haayadda FDA waxa ay intaas ku dartay in tijaab lagu sameeyey dad tiradoodu ka badan tahay 679 ay xaqiijisay waxtarka dawadan, natiijada ka soo baxdayna ay noqotay mid aad u togan. DFA oo ka hadlaysay xaddiga dawadan laga qaadanayo ayaa ku talisay in dhakhtar takhasusu ahi uu muddo shan bilood ah bil kasta hal mar irbaddan ku mudayo gudaha isha, Shantaa bilood kadibna laga dhigayo labadii biloodba mar, lana wadayo illaa la xakameeyo heerka macaanka, Kalastaroolka iyo dhiig-karka qofka oo inta irbaduhu u socdaan dhinaca kalana sidiisa  caadiga ah u qaadanaya dawada macaanka iyo xanuunnadan kale ee ku lammaan haddii uu qabo.

Ugu dambayntii warmurtiyeedka FDA waxaa lagu sheegay in raadadka taban ee dawadani qofka ku keeni karto uu ka mid yahay dhiig ka furma isha qaybteeda xaydha (Cad ee ku wareegsan wiilka), garaac isha gudaheeda ah iyo cadaadiska isha lafteeda oo kor u kaca, laakiin xaaladahan dadka lagu arkay ay aad u kooban yihiin.