Xasharaad Sabab U Noqday In Shaqada Laga Eryo Dhammaan Masuuliyiintii Cisbitaalka Boqor Fahad

0
628

Riyaad (Geeska)- Kadib markii bar-kulannada bulshada lagu faafiyey Fiidyoow laga dareemayo hoos dhaca ku yimid xaaladda nadaafadeed ee cisbitaalka weyn ee Boqor Fahad ee magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga ayaa uu wasiirka caafimaadka ee dalkaas Khaalid Al-Faalix uu soo saaray go’aam adag oo amraya in la ciqaab mariyo dhammaan masuuliyiinta cisbitaalkaas.

Fiidyowgan ay bulshada Sucuudigu isku dhaafsatay bar-kulannada bulshada waxaa laga arkayey xasharaadka baran-barada loo yaqaanno oo dhex joogta mid ka mid ah qolalka waadhka bukaanka la dhigo ee cisbitaalka ah, iyo sidoo kale waxooga nadaafad darro ah. Arrintan oo ay aad uga cadhoodeen masuuliyiinta dalkaas iyo sidoo kale dadweynaha oo ka biyo-diiday in dayacaadi ku timaaddo goobaha bixiya adeegga bulshada. Baadhitaanno ay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadku arrintan ku sameeyeen ayaa lagu ogaada in muuqaalka xasharaadkaas Fiidyowga laga arkay uu run yahay, waxaana ka dhashay in wasiirka caafimaadku uu soo saaro go’aan dhigaya in xilka laga qaado dhammaan masuuliyiinta ay arrintan khusayso, oo ka ahaa; Agaasimaha guud ee cisbitaalka, agaasimaha bukaanka soo kabanaya, agaasimihii Kal-kaalisooyinka, iyo kormeerayaasha nadaafadda iyo dayactirka.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska As-Sabaq waxa uu intaas ku darayaa in wasiirku uu sidoo kale amray in sida ugu dhaqsaha badan dhismaha cisbitaalka dadka jiifa oo dhan laga raro oo dhisme cusub la geeyo, kadibna ay qasab tahay in dib loogu noqdo qiimaynta nadaafadda ee cisbitaalka lana hubiyo in uu buuxiyey halbeeggii ay wasaaraddu u dhigtay in lagu qiyaaso nadaafadda cisbitaallada, lana qaado tallaabooyin maamul oo adag oo ka hortaga in waxa dhacay oo kale soo noqdo.