40 Sano Oo Ay Mamnuuc Ahayd Kadib, Ayaa Maraykanku Uu Ogolaaday In Sawirro Laga Qaato Gudaha Guriga Cad

0
452

Picture7Washington (Geeska)- Hadda kadib dadka soo booqda Guriga Cad ee Maraykanka gudihiisa waxaa loo ogol yahay in ay sawirro ka soo qaataan gudaha guriga iyaguna isku sawiraan, arrintaas oo hore mamnuuc uga ahayd aqalka looga taliyo dalka Maraykanka niyad jab badanna ku hayey dalxiisayaasha iyo dadka booqashada loogu ogolaado in ay galaan.

Muuqaal Fiidyow ah oo gaaban oo lagu baahiyey bar-kulanka bulshada ee Instagram ayaa marwada Koowaad ee dalka Maraykanka Michelle Obama ay arbacadii toddobaadkii ina dhaafay ku sheegtay in xayiraaddii laga qaaday sawir ka qaadashada gudaha aqalka cad ee Maraykanka oo mamnuuc ahayd muddo 40 sano ah.

Xaaska Madaxweyne Obama inta ay kor u warqad ahayd ogeysiiskii mamnuucista sawir ka qaadashada oo ku dhegsanaan jirtay mid ka mid ah gidaarada Guriga Cad ayaa ay cajaladdan maqal iyo muuqaalka ah ku tidhi, “Waxa ay u badan tahay in qof kasta oo Guriga Cad mar uun booqasho ku yimid in uu boodhkaas ogeysiiska ah ku arkay” warqadda ay marwada koowaad kor u qaadday waxaa ku qornaa, “Sawirrada iyo qalabka xidhiidhka bulshadu waa mamnuuc” kadib inta ay warqaddan mamnuucista ahayd jeex-jeexday, iyada oo qoslaysana ay hadalkeeda sii wadatay waxa ay, “Hadda xaalku sidaas ma’aha”

Sidoo kale sida u sheegayo war uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee FP Guriga Cad ee Maraykanku waxa uu sheegay in hadda kadib dadka guriga gelaya loo ogolaan doono in ay isku sawiraan kamaraha talefannadooda gacanta iyo aaladaha yaryar ee sawir-qaadista, laakiin weli waxaa mamnuuc sii ahaan doona qalabka sawir-qaadista ee waaweyn sida kamaradaha maqal/muuqaalka duuba ee wata fadhiga saddexda lugood leh.