Daryeelka Gaadiidku Miyuu Ka Qiimo Badatay Dadka? Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

0
682

Picture1Dhulka guudkiisa waxa gurada ka saaran dadkaa u qiimo iyo qaayo badan waxaana inoo cadeeyay Guullihii abuuray Koonkan.

Gaadiidka ama baabuurtu waxay ka mid yihiin waxyaabaha uu aadamigu u adeegsado danihiisa waxaanay ugu jiraan kaalin mihiima marka loo eego baahidooda hadaba akhriste waxaad mar walba ogsoontahay isla jeerkaasna garaadkaagu ku farayaa in qabashada hawlahu leeyihiin kala horumarin ku dhisan siday ahmiyad u kala leeyihiin, isla geesta kalena waxaynu ogsoonahay in gayigeena soomaaliland ay jiraan duruufo iyo baahiyo badan oo bulsho balse aanay madaxdeena u muuqan sidaad ka war qabtaan waxay ahayd uun sanadkan gudihiisa markii ay dhaceen laba dhacdo oo indhaha bulshada aad u soo jiitay isla markaana labadaas dhacdo ama arrimood ee xukuumadeenu fulinaysay waxay ahayeen kuwo isku lamaan ama is barkan kuna wada jihaysan isla dhan kaliya ama bar kaliya.

Aan ku horeeyee mida waxay ahayd qadiyadii qaylada badan iyo buuqa dhalisay ee hubinta tayada gaadiidka taas oo aynu wada ogayn halka ay xaraadadeedu gaadhay.

Waa ta labaade waxaynu ogsoonayn in uu habeen dhawayd uun Madaxweynuhu xadhiga ka jaray xarun lagu sheegay shaybaadh lagu hubinayo tayada shiidaalka isla markaana loo sameeyay munaasib aad iyo aad loogu kharash gareeyay dakhli badan oo aad moodaysayba sida loo wayneeyay inaynu helnay Ceel shiidaal ah oo qodan!

Dhinaca kale waxa aan la dafiri Karin ama aan indhaha laga qarsan Karin heerka ay gaadhsiisan tahay tayo xumidan raashinka iyo dawada dalka soo gasha taas oo  xataa gaadhay in ganacsatadeenu intay u tagaan shirada maceeshadaha iyo dawooyinka sameeyaan ka dalbadaan xadiga ay doonaan iyo sida ay doonaan inay ugu sameeyaan iyagoo ka fikiraya macaashkooga isla markaana ogsoon inaanay jirin dawlad awooda amaba u diyaar ah inay hubiso tayada waxa ay soo iibsadeen ama dalka soo galinayaan ganacsatadu.

Waxaynu akhriste aragnaa in dawladeena gidaaro iyo gaadiid daneeya ay awooday inay miisaaniyada ama dakhliga dawladeed ku darto in la keeno wadanka shaybaadh shiidaalka lagu hubiyo halka ay ay iska ilawday inay dalka keento shaybaadho lagu hubiyo dawooyinka iyo maceeshada ay quutaan dadku isla markaana ay haayadii hubinta tayadu u cadilan tahay dakhli la’aan lagu soo iibiyo shaybaadhadaas oo aan qiimo badan ku kaceen hadii dawladu siday kuwaas aan mihiimka ahayn ugu hagar baxday kuwan baahida badan loo qabana ugu hagar bixi lahayd.

Isku soo wada duuboo akhriste dawladeenu waxay ahmiyad iyo mihiimada siisay gaadiidkii markaa ma waxaynu odhan karnaa waa ka farsamo xumo mise dheef iyo dhanaansi dhadhamo ayaa gaadiidka ku jira oo laga dhex goobayaa! Mooyi idinkaan idiin dayn oo iiga garasho badan.

 Wa Bilaahi Tawfiiq

Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com