Waayuhu Waxa Uu I Baray

0
1034

– Dagaal aad ku khaasaartaa waxa uu ku barayaa farsamada aad dagaallada dambe ku guulaysan karto.

– Qasab ma’aha in aad sheegto waxa kasta oo aad taqaanno, laakiin waxa qasab ah in wax kasta oo aad sheegayso aad aqoon u leedahay.

– Waxa uu waayuhu I baray in dadka waxbartay ay badan yihiin, laakiin indheer garadku uu yar yahay.

– Ma adka in aad naftaada u hurto saaxiibkaa, laakiin waxaa adag in aad hesho saaxiibkii mutaysan lahaa in aad nafta u hurto.

– Fashilaaddu waxa ay ka bilaabataa in aad is tidhaahdo qof kasta oo aad taqaanno raali geli.

– Waxa uu waayuhu I baray in shalay ay tagtay, berina aan la hubin, maantuna ay tahay raasamaalka keliya ee aan gacanta ku hayo, sidaa awgeedna aan si fiican u maamulo maanta.

– Waxa uu waayuhu I baray, marka aan rabo in aan ogaado wax qabadkayga in aanan ka qiyaas qaadan waxa aan hore u soo qabtay ee aan ku qiyaas qaato inta aan awoodayey ee aanay ii suuro gelin hirgelinteedu.