Labada Xisbi Mucaarad Iyo Madasha Wadatashiga Oo Cadeeyay Mawqifkooda Haddii Ay Doorashadu Qabsoomi Weydo

0
536

Picture7Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID iyo madasha wada tashiga ayaa shalay soo saaray 7 qodob oo ah mawqifkooda haddii ay doorashadu qabsoomi weydo 26 June. Qodobadaas oo ah kuwo culus oo ku socda xukuumadda ayaa waxay u dhignaayeen sidan,

1. Waxaanu u aragnaa inay waajib tahay in doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigoodii ahaa 26-06-2015.

2. Waxaanu caddaynaynaa inaanay Xukumaddu wax cudur daar ah u hayn dib u dhac kasta oo doorashada ku yimaada, dalkana kama jiraan duruufaha Sharcigu sheegay, sida nabadgalyo darro,Cudur, Aafo, Dhul gariir iyo wixii la mid ah Illaahay inaguma keenee.

3. Waxaanu Komishanka doorashada u soo jeedinaynaa inay si dhakhso ah u soo saaraan jadwalka doorashada oo wakhtiyaysan(Road map).

4. Waxaanu caddaynaynaa in haddii doorashooyinka lagu qaban waayo wakhtiga aanu kor ku soo xusnay aanan Aqoonsan doonin Xukumadda Siilaanyo iyo Golaha wakiiladaba, wixii 26-06-2015 ka dambeeyana aanay ku joogi doonin Sharci.

5. Waxaanu soo jeedinaynaa in la kala diro labada gole ee Xukumadda iyo Wakiilada maadaama ay gabeen xilkii saarnaa, islamarkaana hor istaageen dariiqii Dimuqraadiyadda iyo doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

6. Sidoo kale waxaanu uga digaynaa Golaha guurtidu inuu sameeyo xadgudub sharci iyo Muddo kordhin ku timaada xil gudasho la’aanta Xukumadda, iyagoo haba yaraatee dalka aanay ka jirin duruufihii dastuurku sheegay, haddii arintaas la sameeyana waxaa ka dhalan doona Qas iyo dib u dhac.

7. Anagoo ka duulayna heshiisyadii labada Xisbi Mucaarad iyo Madashu hore u wada galeen waxaanu guddi u saarnay ka soo talo bixinta Wixii laga yeeli lahaa 26-ka June haddii doorasho qabsoomi waydo.