Dugsi Casri Ah Oo Adoo Jooga Gurigaaga Aad Ku Baranaysid Online Qur’aanka Kariimka Iyo Axadiista Iyo Culuumtiisa Oo Laguu Furay

0
798

0Waxaa magaalada Hargaysa laga Furay Machadka Hoyga Quraanka oo ah Macahad Casri ah laguna Baran doono wax kasta oo ku aadan aqoon Guud iyo Mid Diini ah.

www.alquraanhome

Machadka Hoyga Quraanka oo ah machad casri ah oo lagu barto quraanka kariimka ah iyo culuumta diinta ayaa soomaalida aduunka ku dhaqan u soo kordhiyay qaab Online ah oo quraanka lagu baranayo iyadoo qofku gurigiisa ama xafiiskiisa joogo

Xarunta guud ee machadku waxay ku taal magaalada hargeysa wuxuuna ka hawl galaa caalamka oo dhan meel kasta oo soomalidu ku noolyihiin

Maamulaha Guud ee Machadka ayaa noo sheegay in dadka soomaliyeed ee qurbaha ku nooli ay machadka si fudud uga bartaan Quraanka, Axaadiista, Sunada Rasuulka, luuqada carabiga, higaada qaab online ah ( Maqal iyo Muuqaal ) iyada oo ardaygu si gaar ah kaligiis ula kulmo macalimka casharka siinaya

 

Qaabkan cusub ee wax dhigista waxa aad ula dhacay soomaali badan oo ku nool aduunka khaas ahaan qaaradaha yurub kuwaas oo kaga nastay dhibaatadii ka soo gaadhaysay safarka ay madarasadaha u galayeen iyo ka war hayn la’aanta heerka caruurtoodu marayso.

Si aad warbixin dheeraad ah uga hesho, u tijaabiso ama ugu biirto machadka hoyga quraanka booqo website-ka machadku leeyahay ama kala xidhiidh taleefanada iyo ciwaanada hoos ku xusan

www.alquraanhome.com

Skype: alquraanhome

Free line: +19373524133

Email: alquraanhome@hotmail.com

Skype: alquraanhome