Xisbiyada Qaranka Oo Ka Hadlay Isku Shaandhaynta Iyo Xil Ka Qaadista Uu Madaxweyne Siilaanyo Sameeyey

0
498

21Hargeysa(Geeska):-Xisbiyada qaranka ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid ayaa siyaabo kala duwan uga kala hadlay sida ay u arkaan isku-shaandhayntii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku sameeyey golahiisa wasiirada, hay’addaha madax-banaan, agaasimayaasha wasaaradaha xukuumada. Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ugu horeyn warbaahintu ay wax ka waydiisay, ayaa sheegay in habayaraatee wax macne ah oo ka muuqda isku-shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey xukuumadiisa aanu jirin, waxaana uu si xooga ugu dhaliilay madaxweyne Siilaanyo xil ka qaadista uu ku sameeyey wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada oo muddooyinkii danbe xanuun u jiifay, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay qaar ka mid wasiirada ay isku beesha yihiin madaxweyne Siilaanyo ay yihiin kuwo aanay ka karin isku shaandhaynta lagu sameeyo golaha wasiirada. "Qofkaasi xilkii loo dhiibay waa uu gudan waayey oo waa laga qaaday waa macne, se wasaarada aad joogtay ayaa inta aanu kaa qaadnay ayaanu wasaarad kale aanu ku gaynay wax Alle wax ay macnaynaysa oo ku jirta arrinta ma arragno, milgo, sharaf iyo maamuus ayaa uu ka mudan yahay dee ninka xil looga magacaabay qarankan oo marka dee xanuun ku yimaado ee qadarkiisu ku dhaco, dee xaq ayaa loogu leeyahay xukuumadu in ay la tacaasho oo ay caafimaadkiisa ka shaqayso oo waxii itaalkeeda ah aanay waxba ka hagran, waxaan ka warqabnaa in aan wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada dhakhtar dibadeed iyo mid gudeed toona aan loo dirin iskadabee hadana lagu ixtiraami waayey xanuunka haya dartii oo la odhan waayey bal inta uu dhinac uun u dhacaayo ee uu caafimaadayo ama ay tii Alleh u imanayso ee xaqa ahayd yaan xil ka qaadis lagu samaynin, markaa iyada lafteeda waxaa meesha ka muuqata ixtiraam darro badan.marka marka aan arrimahaas oo dhan aan isku soo wada duuduubo waxaan odhan karaa waa arrin indho la'aan iyo gudcur lagu gudiyey oo wax macno leh aan habayaraate.".Ayuu yidhi Xill.Ibraahim Mahdi Buubaa.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:"Horta dee wasiir aan xilkiisii laga qaadin annagu ku odhan mayno maxaa xilka looga qaadi waayey, laakiin marka kaftanka iyo suuqa la joogo waxaa la yidhaahda oo ay bulshada shacabka reer Somaliland yidhaahdan wasiirada xijaabka birta ah xidhan, marka ma karto isku shaandhaynta iyo xil kaqaadista madaxweynahu uu sameeyo, kalmad kaftan ahna aan raaciyee waxaan odhan laha horta yaa hubaba oo bahasha sameeyey maanan ku arkayn afhayeenkii madaxtooyada xataa saxeexiisa ku soo saaray digreetadan, madaxweynaha oo saxeexiisu ku qoran yahayba, bal iska hubsada ayaan odhan lahaa kuwan xilalka laga qaaday iyo kuwa loo dhiibayba.". Murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, oo isagu sida oo kale ka hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in isku-shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo sameeyey aanay haba-yaraatee wax isbedal ah soo kordhinayn maadaama ayuu yidhi wakhti yar oo kooban uu ka hadhay muddo xileedkii xukuumada hada talada dalka haysa. "Isku shaandhaynta maanta la samaynaaya wax macno ah oo badan ayaaban ku jirin waayo dawlad wakhtiga ka hadhayba uu yahay saddex bilood, isku shaandhaynta la samaynaayo macno badan oo ay soo kordhinaysaa ma jirto, intii la dhaliilayeyna qofna kagama jiro haddii aan laga tegina waxaaba aniga fool xumo igu ah in aan arko mid ka mid ah wasiiradii oo xanuunsanaya gurigana jiifa oo aan helin daryeel caafimaad oo ay xukuumadu siisay in uu hadana noqdo wasiirada maanta shaqada laga qaaday, waxay ahayd marka hore in la daweeyo oo caafimaadkiisu uu dhinac uun u dhaco oo dee marka uu daryeel caafimaad helo dabadeed xilka laga qaado, waxaa uu ahaa wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre.".Ayuu yidhi Md:Cabdirashiid Xasan Mataan. Dhinaca kalena Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac, oo ka tirsan xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa si weyn u soo dhaweeyey isku-shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey xukuumadiisa."Madaxweynahu  waa uu isku shaandhayn karaa kuu doono ayuu qori karaa, kuu doono ayuu eryi karaa. Garaad meel kasta waa la geeyey Adis ababa waa la geeyey waa nin aanu aad saaxiib u ahayn, waana nin xanuunsanaaya hada, dee markaana waxaa lagu badalay nin dhalinyaro ah oo shaqaynaaya marka dee ninkii xanuunsanaaya iyo ninkii shaqadiisa la dhaliilo haddii la badalo dee ceeb maaha. Madaxweyne Siilaanyo sidaas dad leh rag ayaanu taaban ma waxa uu u jeeda Maxamuud Xaashiyo dee horta wax gaadhayaba ma haynaa, marka waxaan leeyahay dee waxan soke ha ku mar marsooninee arrin kale keena, laakiin hebel maxaa loo badali waayey hebel shaqadiisa ayuu ka soo baxay."Ayuu yidhi Md:Axmed Diiriye Nacnac.