Cali-Sanyare Oo Dhaliilay Siyaasadda Dhaqaale Ee Xukuumada Madaxweyne Silanyo

0
463

caliHargeysa(Geeska)- Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali Sanyare) oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin  ayaa, isagoo jooga  magaalada Jineefa (dalka Swiserlaan), waxa ay shabakadda wararka ee Qurbejoog.com la yeelatay waraysi dheer oo aanu qaybo hore idiinku soo daabacnay.

Qeybtan oo ah qaybtii  5aad ee taxanaha ayuu Wasiir Cali Sanyare Maanta ku eegi doonaa iibinta laga iibinayo ganacsto hanti ay ku jirto dhul,dhismeyaal, iyo warshado iyo sababaha keena murankan, waxaana la weydiiyay  Maxaad ka odhan lahayd  murankan soo noqnoqonaya ee u dhexeeya xukuumadda iyo qaar ka mid ah bulshada ,kuna saabsan iibinta laga iibinayo ganacsto hanti ay ku jirto dhulka,dismayaal, iyo warshado.Maxa keena murankan, maxaase khaldaadan?
waxaanu ku jawaabay  “Siyaasadda dhaqaale ee xukuumadda hadda joogta waxay tahay,inay faasaxdo  oo dad maalqabeen oo wadaniyiin iyo ajnabi leh,ku wareejiso dhamaan  hantidii qaran ee lagu aaminay ay gacanta ku hayso. Ha ahaato

dhul,dhismayaal,warshado,iyo Dekedda Berbera-be'. Waxaa dhawaan liiska ku soo biiray Haamaha  betroolka lagu keydiyo ee Berbera oo warbaahintu sheegtay in ay, iyana,daneyneyaan shirkad carbeed.

Waxaa ,iyana, layaab  dhalisay oo dad badan dhafariir  ku riday la wareegiddii
dismaha  KHEYRIYADA ee badtamaha magaalada Hargeysa ku yaalay oo hadda laga
dhigtay maqaaxi cunto laga cuno. Waa KHEYRIYADII astanta  u ahayd ilaa 1940kii
taariikhdii sooyaalka ahayd ee gobonimo-doonka bulshada Somaliland. Waa dhismihii
ahaan lahaa MATXAF lagu keydiyo maqal iyo muuqaalba taariikhdaas aan la qiimeyn karin. Kana baran lahaayeen jiilka hadda jooga iyo kuwa soo socdaba taariikhda dalkooda.

Xukuumaddu waxay wadahadlo kula jirtay, in muddo ahba ,shirkad Francis ah ( Ballore Logistics) oo quundareyneysay la wareegidda Dekedda Berbera. Waxaa hore nagu maqaala ahaa in wadahadalkii u socday xukuumadda iyo shirkadda fransiiska dib loo dhigay muddo hal sano ah oo loo balansanaa kadib doorashada fooda-inugu-soo haysa, si aanay wareejinta ama iibinta Dekedda Berberi u noqon qodob xasaasiya oo siyaasadeed oo gala ololaha doorashada .Hase ahaatee,waxaa la sheegaya in todobaadkii u horeeyey ee bisha Feberwari, 20015ka ay yimaadeen Hargeysa wafdi ka socda shirkadda fransiiska  . Isla bishaas,  masuuliyiin sar sare oo xukuumadda ku jira ayaa wadahadalo kula yeeshay  magaalada Berbera wafdi shirkad kale oo dalka Immaaraadka Carabta ka socota ,oo iyana , hungureyneysa la wareegidda Dekedda Berbera . Waxay hadda bulshadu is-weydiisa sababaha dhaliyey dardargelitan cusub

ee ku saabsan wadahadaladii wareejinta Dekedda Berbera.
Qodobka 12 aad, faqradiisa 3aad ee dastuurku,wuxuu xukuumadda awood u siineya "inay yeelato , gacanta ku hayso, hanti guurta, ama ma-guurta ah. Iyo, inay iibsato,iibiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku sameyso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan."
Markaas muran kama jiro awoodaha dastuuriga ah ee u fasaxaya xukuumadda maamulida dhaqaalaha dalka. Hase yeeshee, muranku ,intiisa badani ,wuxuu ka dhasha  farsamo xumo loo maro fulinta go'aanka xukuumadda iyo markii madmadow laga dareemo go'aan qaadashada.Tusaale ahaan, qodobo badan oo  dastuurka ku jira oo qodobkan 12aad uu ka mid yahay, ayaa awoodaha ay siinayaan xukuumadda ku xidha kelmadaha ah "oo sharciga

waafaqsan"  Waxay sharci-yaqaanadu ku doodaan inay  waajib ku tahay xukuumadda inay sameyso xeerkii ay ku fulin lahayd qodobka dastuurka ee awooda siiyey,intaanay wax ficil ah oo kale ku dhaqaaqin si sharciyeynta go'aan qaadashadu u saxanto. Waxaa dhacda in xukuumaddu il-duufto arrintan sharci sameeynta ku saabsan oo markaas u eekaato  sidii qofkii sida xun u hilaabnaa ee la moodi jiray in uu wax qarsanayo. Mise xaqiiqadu wa wax taas ka fog.
Waxaa qodobada dastuur walba ka farcama  xeerar  seeska cadaaladeed adkeeya oo lagu kala baxo. Waxaa looga baahanyahay  xeerka lagu xoojinayo  qodobka 12aad ee dastuurka  ee aanu hore  u xusnay ,inuu si cad, u qeexo nidaamka loo marayo iibinta ama wareejinta hantida ma- guurtada ah ,kana jawaabo su'aalahan soo socda iyo kuwa kaleba . Kuwaas oo  ay ka mid yihiin:
1) Ma suganyihiin  sababaha keenay in hantida la iibiyo, amase la wareejiyo? Maxayse
tahay daraasadda la qaaday ee loo cuskanaya?
2) Maxay daraasaddu,iyadoo lala kaashaday khubaro, ku qiimeysay hantida la wareejinayo ?
3) Muxuu yahay nidaamka loo marayo iibinta ama wareejinta hantida? Ma waxaa
loo raacaya  nidaamka tartan qandaraas  furan oo caalamiga ah ? Mise tartan qandaraas  furan oo maxali ah ?
4) Yaa, farsamo ahaan, maamulaya nidaamka tartanka qandaraas oo lagala xisaabtamaya oo aqoonteedii leh? Haddii, khubaro aqoonteedii lihi dalka aanay joogin, sida  aqoonta loogu baahanyahay wareejinta Dekedda Berbera ,ma la soo kireysan karaa khubaro ajnebi ah oo lagu kalsoonan karo oo Ina daafaca?
5) Imisaa, lacag ahaan, lagu iibiyey hantida? Inteebaase  loogu talogaley, mashaariic ahaan, in lagu  horumariyo bulshada?
Hadda, hantidii la iibiyey dhamaantood (dhul,dhismayaal, iyo warshadaba) way ka
wareegtay gacantii qaranka ee lawada lahaa oo waxay ku wareegtay gacan gaar ah oo qof ama qoys ama kooxi leedahay, iyadoo xeerkii qodobka  12aad  ee dastuurku tilmaamaye uu maqan yahay. Waxay ahayd intaan ficilka  lagu dhawaaqin ,in xukuumaddu ku wargeliso bulshada talaabada ay qaadi doonto,Hase yeeshee , taasi may dhicin. Waxaa hadda la-garaneyn nidaamka iibinta hantida loo raacey.Waxaa kaloo la ogeyn qiimaha hantida la wareejiyey ay markaas joogtay iyo inta lagu iibsaday. Waxaa kaloo xukuumaddu bulshada u sheegin sidii loo isticmaalay lacagtii hantida ma guurtada ahayd   ka soo baxday.

Umaleyn maayo in uu jiro sharci u gaar ah( privatization law ama public/private partnership law) oo, si cad,  u sheegaya sifooyinka iyo nidaamka loogu wareejin karo hanti ma-guurta ah oo qaran (sida warshadaha iyo Dekedda Berbera ) shirkado ama dad gaar ah.Waxaan filayaa arrinta nuxurka u ah jawaabta su'aasha aad I weydiisay inay tahay in sharci khuseesya loo raaco wareejinta iyo iibinta hantida qaranka si loo yareeyo muranka ka aloosma arrintan marwalba.
Waxaase inoo-iftiimisay, sida xukuumaddu taas u baalmarsantahay, khudbadii Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland markii uu ka hadlay madashii lagu daahfuray ku wareejinta ganacsatada warshada laydhka ee Hargeysa .. Wuxuu Madaxweyne  ku-xigeenku fasiray noocyada xukuumadda iyo ganacsatadu isku-baheysan karaan horumarinta dhaqaalaha dalka,isagoo tusaale u soo qaatay nidaamka lagu wadashaqeeyo ee afka ingriiska loogu yaqaano "public /private partnership". Isagoo ku qanacsanaa in go'aanka xukuumaddu qaadatay uu ku saleysna nidaamkaas. Wuxuu  gadaaal ka raaciyey in sharcigii qeexayey wax-wadaqabsigaa hadda gacanta  lagu hayo .
Waxaa , isna,madmadowga muranka dhaliya , Isla madashaas ka qirtay Wasiirka
Hawlaha Guud, markii uu caddeeyey in wareejinta warshada laydka Hargeysa aan loo soo marin tartan furan oo xalaal ah. Nasiib darida kale  ee jirtaa waxay  tahay:
1)xukuumadda oo aan weligeed u soo bandhigin bulshada nidaamka iyo sharciga loo cuskado wareejinta hanti qaran, iyo
2) iyadoo aan soo marin tartan furan hibeenta  mashariicda waafiga ah ee lagu wareejiyo  gacmo gaar ah. Sababta oo ah in lagu naas-nuujiyo dad la bartilmansaday, iyo
3) Iyadoo aan la sheegin qiimaha lagu iibiyo hantida qaran.”