Guddoomiye Cirro Oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Xaalada Gobalka Awdal Ka Taagan

0
567

Picture3Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland, sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa baaq nabadeed u direy hogaanka dhaqanka iyo bulshada gobalka Awdal oo ku wajahan xaalada muddooyinkii danbe dib uga soo cusboonaatey gobalkaasi ee ku aadan dhawaaqii Suldaan Waber oo ka mid ah madax dhaqameedka gobalkaasi uu ku dhawaaqey hadalo lid ku ah Somaliland, waxaa kale oo uu baaq nabadeed u direy laba beelood oo walaalo ah oo iyagana ay shaqaaqo ku dhexmartey deegaanka gobalka Sanaag. waxaana uu sheegay in uu bulshooyinka ku kala dhaqan gobalka Awdal iyo Sanaagba uu ugu baaqay in ay dajiyaan xaaladaha halkaasi ka taagan.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay xafiiskiisa ku qabtey, waxaana uu sheegay in shacbiga reer Awdal ay hore u ahaayeen Somaliland hadana ay ahaanayaan reer Somaliland, Isaga oo xukuumadana ugu baaqay in waxii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee ay xukuumadu hore ugu soo jeediyeen madaxdhaqameedka ka soo jeeda gobalka Awdal ay tixgalin iyo mudnaan buuxda siiso.

"Waxaan jecelahay in aan halkan hawada u mariyo baaq nabadeed,waxaanan jeclahay in aan baaq nabadeed aan u soo jeediyo, shacbiga reer Awdal, gaar ahaan degmada Boorama.waxaan dhamaanteen aan ka warqabnaa in shacbiga reer Awdal gaar ahaan magaalada Boorama ahayd laf dhabarta tiirka iyo nabadeynta dhismaha dawladnimada cusub ee Somaliland, waxaan shacbiga Ugaasyada,Salaadiinta culimada,dhalinyarada iyo haweenka reer Boorama aan u soo jeedinayaa baaq nabadeed iyo in xaalada hada taagan la dajiyo, shacbiga reer Awdal waa shacbi reer Somaliland ah horena umay noqon hadana noqon maayaan waxaan ahayn Somaliland, waxii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee ay hore ugu soo jeediyeen odayaasha gobalku ee hadana taagan waa in xukuumadu ay siisaa mudnaanta ay leedahay arrintaasi”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in xukuumada Somaliland u soo jeedinaayo in xiisada ka taagan gobalka Awdal lagu dhameeyo sidii dhaqanka u ahayd Somaliland, waxaa kale uu carabka ku dhuftay in uu xukuumada ugu baaqayo in ay xoriyadoodii ay dib ugu soo celiso laba xildhibaan oo arrinta gobalka Awdal ka taagan loogu xidhey, isaga oo sida oo kalena tibaaxey in uu Suldaan Waber uu ugu baaqayo sidii uu dadkiisa iyo dalkiisaba uu dib ugu soo noqon lahaa.

“Waxaan xukuumada Somaliland u soo jeedinayaa in xiisada hada ka taagan Boorama in sidii Somaliland dhaqanka u ahayd lagu dhameeyo wada hadal, wada hadalkana la siiyo fursad iyo wakhti. Waxaa kale oo aan xukuumada u soo jeedinayaa in la siidaayo xoriyadoodana loo soo celiyo Labadii xildhibaan ee ka tisanaa golaha deegaanka ee dagmada Boorama oo sharcigu uu siiyey xasaanad,waxaan kale oo aan u soo jeedinayaa Suldaan Abubakar Cilmi Waber in uu dadkiisa iyo dalkiisa uu u soo noqdo, lana talo noqdo”Ayuu yidhi Ciro.

Ugu danbeyntiina waxaa uu ka hadley shaqaaqada ka taagan dagmada Ceeri-gaabo oo  laba beelood oo walaalo ay shaqaaqo ku dhexmartay, waxaana ku baaqay in iyadana xiisada halkaasi ka taagan la dajiyo, isaga oo sida oo kalena guud ahaanba shacbiga reer Somaliland iyo ehelkii ay ka baxeenba uu ka  tacsiyadeeyey dad shaqaaqadaasi awgeed u geeriyooday, waxaana uu Illaahay uga baryey in samir iyo iimaan uu ka siiyo.

“Waxaa kale oo aan sida oo kale baaq nabadeed aan u soo jeedinayaa shacbiga wada daga gobalka Sanaag ee reer Somaliland, beelaha walaalaha ah ee wada daga gobalka Sanaag, gaar ahaan dagmada Ceerigaabo waxaan u soo jeedinayaa baaq nabadeed, waxii inaga dhintay waxaan ka tacsiyadeynayaa ehelkii,qaraabadii, iyo qaranka Somaliland, waxaan u soo jeedinayaa labada dhinac in arrinta ama shaqaaqada ka dhacdey halkaas degmada ceeri-gaabo in wada-hadal iyo walaaltinimo lagu dhameeyo"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).