Cabdillaahi Cirro Oo Guurtida Ku Bogaadiyay Sida Ay U Xaliyeen Khilaafkii Wakiilada

0
588

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii hore Md. Cabdillaahi Ismaacii Cali (Cirro) ayaa golaha guurtida ku bogaadiyay xalka ay ka gaadheen khilaafkii golaha wakiilada ee kiciyay xiisadaha siyaasadeed.

Md. Cirro, oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu golaha guurtida ku bogaadiyay xilka ay guteen ee distooriga ah, “Waxaan doonayaa inaan Guurtida Somaliland aad iyo aad ugu mahadceliyo oo aan ku hambalyeeyo waajibaadka distooriga ah ee ay guteen ee ay dalka ku badbaadiyeen, kuna xaliyeen khilaafkii golaha wakiilada.” Ayuu yidhi Cirro, waxaanu intaas raaciyay, “Golaha guurtidu waxay hiddo u lahaayeen inay damiyaan xiisadaha siyaasadeed ee wadanka ka soo kordha, waxaanay ku ammaananyihiin sida ay u xaliyeen khilaafyada dhaca.”

Ugu dambayn wuxuu golaha guurtida ku hambalyeeyay go’aamada ay soo saareen iyo sidoo kale golaha wakiilada ee aqbalay.