KULMIYE Oo Qaabilay Taageerayaal Ka Soo Guuray Xisbiga Waddani

0
433

Picture3Hargeysa (Geeska)- Xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey masuuliyiin, xildhibaanno iyo guddiyo arday jaamacadaha ka tirsanaa oo ku biiray kadib markii ay ka soo diga-rogteen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Xaflad ballaadhan oo KULMIYE ku qabteen huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa shalay, kana qaybgaleen Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha hoggaanka sare, siyaasiyiin kala duwan iyo taageerayaal badan, waxa lagu qaabilay xildhibaanno, masuuliyiin, guddoomiyayaal degmo iyo ardayda xidhiidhka jaamacadaha u qaabilsanayd xisbiga WADDANI.

Saalax Muxumed Idiris (Shiine) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa faahfaahin ka bixiyey masuuliyiinta ku soo biiray oo uu sheegay inay ka mid yihiin toddoba xildhibaan oo kala kala tirsan golayaasha degaannada Buuhoodle, Qori-lugud iyo Sallaxlay oo siyaasad ahaan ugu biiray, xubno ka tirsanaa Golaha Dhexe ee WADDANI, guddoomiyayaal degmo iyo guddida xidhiidhada ardayda iyo macallimiinta jaamacadaha ee xisbigaasi ku lahaa Gobolka Maroodi-jeex.

Xubno dhawr ah oo ka mid ahaa ardayda jaamacadaha oo hadallo ka jeediyey xafladda KULMIYE u sameeyey, ayaa sheegay inay ka yihiin quwad culus oo matalaysa aqoonyahanka jaamacadaha kala duwan ee ay kala matalayeen, balse masuuliyiinta xisbiga WADDANI ay isku fahmiwaayeen siyaasaddiisa oo ay ku tilmaameen mid aan lexejeclada waddanku ka muuqan, sidaasi darteedna ay is-tuseen inay ka mid noqdaan xisbal-xaakimka oo ay xuseen in xukuumaddiisu fulisay waxqabad ballaadhan oo aan indhaha laga qarsan karin, isla markaana ka soo baxay ballanqaadyadii ay shacabku ku doorteen.

Xildhibaannada kala ah; Kowsan Aw Cali oo ka tirsan Golaha Degaanka Sallaxlay, Md. Saleebaan Dhegoweyne, Cismaan Daahir Warsame iyo Fu’aad Axmed Maxamed oo iyaguna ka kala tirsan golayaasha degaannada Buuhoodle iyo Qori-lugud, ayaa khudbado ay ka jeediyeen madashaasi ka warramay sababaha dhaliyey in ay siyaasad ahaan taageeradooda u wareejiyaan xisbiga KULMIYE.

“Waxaan u soo wareegay KULMIYE kadib markii aan arkay waxqadabka wayn ee xisbigu dalka ka qabtay iyo sida daacadnimada ah ee uu u shaqaynayo.” Sidaa waxa tidhi Xildhibaan Kowsar Aw Cali

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud Xasan Siciid Yuusuf, Xasan Gaafaadhi oo ka tirsan xisbigaasi iyo Agaasimaha xafiiska Samofalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa uga mahadceliyey siyaasiyiinta iyo taageerayaasha xisbigooda u soo dego-rogtay, iyagoo ku booriyey dhallinyarada aqoonyahanka jaamacadaha inay baadhitaan iyo daraasado rasmi ah ku sameeyaan waxqabadka uu ka fulyey ballanqaadkiisii ololaha uu ku galay iyo weliba hufnaanta siyaasaddiisa dalka uu ku maamulo.

Ugu dambayn Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey siyaasiyiinta, xidlhibaannada, ardayda jaamacadaha iyo taageerayaasha xisbigiisa ku soo biiray oo uu xusay in maanta laga bilaabo ay xuquuq ahaan la mid yihiin kuwii ka mid ahaa muddada dhawr io tobanka sanno ah ee xisbigu jiray. “Wuxuu xaqiijinayaa xisbiga KULMIYE in muwaadin kasta oo reer Somalilnad ahi uu helo, xisbiga KULMIYE wuxuu ku socdaa oo siyaasaddiisu tahay in wax la wada lahaado oo xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa waxa wada leh dadka oo dhan, ma laha koox keliya, gobo lama in isku dan ahi ee wuxuu ka dhexeeyaa maalqabenka dalka ugu sarreeya iyo ka ugu faqiirsan, wuxuu ka dhexeeyaa ka reer miyiga ah ee xoolaha la jooga iyo ka badda ka kalluumaysta, aqoonyahanka haysta shahaadada ugu sarraysa iyo ka aan weligii waxba qorin rag iyo dumar dhammaantood wuxuu KULMIYE hoggaaminayaa danahooda oo iska dhex arkaya oo talada ku wada leh,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi, waxaannu intaasi ku daray, “Qofka KULMIYE ah waxa laga rabaa khilaaf kasta oo la soo gudboonaada isaga, dad kale ama xisbigaba in lagu xalliyo wadahadal iyo isu tanaasul, taasi ayuu xisbigu aaminsanyahay oo ah ta ku soo adkaaday, waana ta uu xisbiyada kala dheeryahay. Cid kasta oo KULMIYE ka mid noqotaa wuxuu xaq u leeyahay inuu noqdo muwaadin wax dooran kara, isagana la dooran karo, wuxuu xaq u leeyahay in isagoo xisbiga ku soo biiray maanta uu ka doodi karo, fikirkiisana ka dhex dhiiban karo wax kastaba.”