Ficil Kastaa Waxa Uu Leeyahay Duruuftiisa, Sidaa Awgeed Wax Kasta Oo Aad Dhaxashay, Maanta Kuma Habboona

0
659

Hargeysa (Geeska)- Gabadh ayaa ninkeedii uga sheekaysay in saaxiibadeed oo ay booqasho ugu tagtay u samaysay cunto kalluun duban oo aanay abid dhadhamin macaankeeda mid la mid ah. Ninkii ayaa xaaskiisan ka codsaday in ay barato qaabka loo sameeyo si ay isagana mar ugu samayso oo uu ula dhadhamiyo macaanka ay illaawi weyday ee ay kalluunkaas ku sheegtay. Gabadhii oo doonaysa in ay fuliso codsigaas saygeeda ayaa la xidhiidhay saaxiibaddeed si ay uga waraysato waddadii loo marayey samaynta kalluunka ay ku casuuntay.

Gabadhii oo u tilmaamaysa sida ay kalluunkaa u samayn karto ayaa tidhi, "Nadiifi, kalluunka oo aad u maydh, gudaha ugu rid khudaar fara badan iyo noocyada xawaashka, kadib madaxa iyo dabada dambe ka goo…" Gabadhii oo ogeyd in faa'ido badan oo xataa caafimaad ay ku jirto madaxa kalluunka iyo in ninkeedu aad uu  u cuno madaxa kalluunka ayaa inta ay hadalkii ka dhex gashay weydiisay, "Oo madaxa iyo dibka dambe maxaa loo goynayaa?" Saaxiibadeed ayaa ugu jawaabtay. waxa aan arkay uun hooyaday oo sidan yeelaysa ee I sug aan ka waraysto ee"

Inta ay talefankii dhigtay ayey la hadashay hooyadeed, salaan kadibna waxa ay weydiisay, "Hooyo markii aad noo samayn jirtay kalluunkii duban ee macaan, maxaad madaxa iyo dibka uga jari jirtay. Hooyadii ayaa ku jawaabtay. Ayeydaa (hooyadeed) oo sidaa samaynaysa ayaan arkay kagana dayday ee bal sug aan weydiiyo ee. Hooyadii waxa ay la xidhiidhay ayeeyadii oo ay weydiisay isla su'aashii, "Maxaad madaxa iyo dibka uga jari jirtay kalluunka marka aad noo dubayso" Islaantii ayaa ku jawaabtay, "Nolosha ayaa cidhiidhi ahayd, xaaladdeena dhaqaalana aad ayaa ay u liidatay, sidaa awgeed waxa aan u dhigi jiray in mar kale aynu ka samaysanno cunto, dhanka kalana weelka aynu haysanno oo aad u yaraa ayaa keenayey in aan gaabiyo kalluunka si uu u qaado.