Facebook Oo Sheegtay Inay Kordheen Codsiyadii Ay Dowladaha Dunidu Kaga Doonayeen Xogta Macmiishooda

0
617

Washington (Geeska)- Bar-kulanka Picture5bulshada ee faebook ayaa shaaca ka qaaday in tirada dalabaadka ay u soo gudbinayaan dowladaha kala duwan ee dunidu ee ay ku doonayaan la siiyo xogta shakhsiga ah ee dadka isticmaaala facebook ay boqolkiiba 25 korodhay lixdii bilood ee uguhorreeyey sannadkan 2014ka, marka la barbar dhigo lixdii bilood ee dambe ee sannadkii 2013ka.

Warkan bar-kulankan bulshada ee internet ka ka soo baxay waxaa lagu sheegay in lixdii bilood ee ugu horreeyey sannadkan ay dalabaadka arrintan la xidhiidha ee xukuumadaha dunida uga yimi ay gaadhayso illaa 34 kun iyo 946 codsi oo dhammaantood ah in la tuso xogta shakhsiga ah ee dad isticmaala internet ka. Shirkadda facebook waxa ay salaasadii dorraad ee 18ka bishan kow iyo tobnaad sheegtay in ay akhriyeyso baadhisna ku samaynayso codsi kasta oo ka soo gaadha xukuumadaha kala duwan ee dunida, si ay isaga hubiso in dalabkoodu uu waafaqsan yahay xeerarka iyo shuruucda u dejisan facebook, sidoo kale waxa ay caddaysay in ay si adag u diidi doonto dalab kasta oo lagu doonayo xog aad u ballaadhan. Warkan ay shirkaddu soo saartay waxa kale oo ay ku sheegtay in ay la shaqaynaysa ururrada bulshada si xukuumadaha loogu qasbo in ay u shaqeeyaan si daahfuran oo aan qarsoonayn, isla markaana ay wanaajiyaan hababka dabagalka iyo xog ururinta ee ay sameeyaan, taas oo ay shirkaddu u aragto inay tahay sida keliya ee lagu soo celin karo kalsoonidii dadku ku qabeen isticmaalka internet ka guud ahaantiiba.

Shirkadda Google ayaa iyaduna bishii sagaalaad ee aynu soo dhaafnay sheegtay in lixdii bilood ee u horreeyey sannadkan 2014ka ay boqolkiiba 15 ay kordheen dalabaadkii ay xukuumaduhu kaga doonayeen xogaha gaarka ah ee dadka isticmaala. Halka marka shantii sano ee u dambeeyey la isku daro ee kuwii ka horreeyey la barbar dhigana ay noqonayso in boqolkiiba 150 ay kordheen dalabaadka ay xukuumaduhu maamulka Google kaga doonayaan xog la xidhiidha dad adeegsada shabakaddooda, taas oo weliba ay u adeegsadeen marag iyo in ay caddayn uga dhigtaan dadkan oo ay maxkamado ku soo taagayeen dembiyo kala duwan.