4 Jeer Oo La Isku Dayey In Qabriga Nebiga (SCW) La Soo Faqo Iyo Sida Mucjisada Ah Ee Alle U Badbaadiyey (2)

0
652

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii 2aad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika uu akhristayaashiisa kula wadaagayo qisas ka waramaya marar la isku dayey in qabriga Nebiga la soo faqo balse siyaabo aynu mucjiso ku sheegi karno ay u baaqatay:

Xikmadda ku jirtay in Nebiga (SCW) qolkiisii lagu dhex aaso:

Sida uu sheegay muftigii guud ee boqortooyada Sucuudiga isla markaana ahaa guddoomiyaha hay’adda sare ee fatwada dalkaas oo ahaa Sheekhii weynaa ee Islaamka Cabdalcasiis Bin Baaz (Alle ha u naxariisto) Xikmadda ku jirta in Nebiga lagu dhex aaso qolkii Caa’isha ee uu ku dhex xijaabtay, waxa ay ahayd cabsi laga qabay in haddii Nebiga (SCW) lagu aaso qubuuraha Baqiic ee asxaabta kalaba lagu aasi jiray ay soo baxaan dad qabriga inta ay siyaartaan ku talax taga camalka oo aakhirka la yimaadda camal ay cibaado u arkayaan oo xad gudub ku ah cibaadada ay diinta saxda ahi jidaysay, waxa laga baqayaa in qabriga nebiga laga dhigto meel cibaado loo dul fadhiisto, oo salaadda lala doonto, markaasaa la yidhi qolkiisa ha lagu dhex aaso. (Tixraac: http://ibnbaz.org/mat/10221)

Goorma uu qabriga Nebigu gudaha u galay Masjidka?

Sida ku cad taariikhda Islaamka, isla markaana uu Sheekh Cabdalcasiis Bin Baaz qudhiisu sheegayo mar arrintan wax laga weydiiyey qabriga Nebi Muxammed (SCW) waxa uu Masaajidka Nebiga gudaha u galay xilligii uu muslimiinta hoggaaminayey Waliid Bin Cabdal Malik oo ahayd 10 sano iyo dhowr bilood oo taariikhda miilaadiga marka loo eego ku beegnayd intii u dhaxaysay 705tii illaa 515kii.

Amiirkii Muuminiinta ee Waliid Bin Cabdalmalik oo xilligiisii wax-qabad badan lagu yaqaanno diintuna aad ugu faaftay dunida oo dhan, waxa ay amiirnimadiisu ku soo beegantay xilli geeridii Nebi Muxammed (SCW) uu ka soo soo wareegay waqti ka yar 70 sano, xilligii uu amiirka ahaa ayaanu doonay in markii ugu horreysay uu aad u ballaadhiyo Masjidka Nebiga ee Madiina, qorshahaas ballaadhinta oo gaadhay in qolalkii xaasaska nebigu deggenaayeen oo sida aynu kor ku soo xusnay mid ka mid ahi yahay qolkii Caa’isha ee Nebigu (SCW) ku dhex aasnaa. Sheekh Ibn Baaz waxa uu sheegay in culimadii xilligaa jirtay ay amiirkan muuminiinta kula taliyeen in aanu qolalkaas Masjidka gudaha u soo gelin, laakiin isaga oo niyadsamaa waxa uu u arkay in aanay taasi dhib keenay, waayo Nebigu waxa uu ku aasnaa qolkiisa dhexdiisa, markaas macnuhu waxa uu noqonayaa in qolkii uu Masjidka soo galay, ee ma noqonayo in qabrigii uu Masjidka soo galay. Iyada oo weliba qaabka farsamo ahaan qolka deryka sare loogu sii xidhay uu yahay saddex geesood, ah farsamo aanay suurtogal noqonayn in dhan kasta oo laga maraba uu ku beegmo qiblada. (Tixraac sare) waxa ay culimada Muslimku sheegayaan in soo gelistaa uu qolka uu nebigu ku aasnaa soo galay gudaha masjidka, ballaadhintii lagu sameeyey masaajidka darteed aanay waxba ka beddelayn ama madow gelinayn xukunka islaamka ee cad ee ka yaalla in qofka masjid lagu dhex aaso ama qabrigiisa masaajid laga dhigto.

Xukunka in qabriga masjid laga dhigto:

Shareecada Islaamku waxa ay xaaraan ka dhigtay in qabriga laga dhigto goob cibaado iyo masjid salaadda lagu tukad, waxa aanay jeexday jid lagula macaamilayo oo ah in laga dhigto meel loo tago ku soo cibro qaadasho iyo geeri in loogu diyaar garoobo, qaabka loo booqanayaana uu noqdo in qof kastaa isaga oo naftiisa la gaar ah oo aan dan ka lahayn jamaacada kale ee la socota uu qabriga ku cibro qaato iyo in laga ilaaliyo in maalin cayiman iyo taariikh la yaqaanno la siyaarto iyo in sidoo kale qalliin xoolaad iyo casuumad lala doonto. Xadiis laga soo xigtay Nebi Muxammed (SCW) oo marka afka Soomaaliga loo beddelo macnihiisu sidan noqonayo ayaa uu ku yidhi, “Alle ha nacdalo Yuhuud iyo Kiristaan, xabaalihii nebiyadooda ayaa ay masaajid ka dhigteen ee” ugu dambayntii culimada Muslimku waxa ay inoo sheegayaan in aanay bannaanayn in lagu tukado masjidka qabrigu ku dhex yaallo ama qibladiisu qabri tahay, iyada oo uu ka reebban yahay Masjidka Nebiga oo isaga qisadiisa aynu kor ku xusnay.

Haddaba waxa aynu qaybaha hadhay ku soo qaadanaynaa dhowr qiso oo tilmaamaya dhacdooyin kala duwan oo ujeedada ay ka midaysan yihiin ahayd in la isku dayey in nebiga (SCW) Qabrigiisa laga soo faqo, in kasta oo sababta loo doonayey iyo cidda doonaysayba ay kala duwanaayeen iyo qaabka uu qabrigu uga badbaaday faqitaankaas.

La soco..