Golaha Madasha Indheergaradka ee Faysbuuga oo deeq gaadhsiiyay cisbitaalka dhimirka Borama

0
746

10288747_10154444892295360_7066127383840283675_nWAR-SAXAAFADEED

Madasha Indheer-garadka oo ah gole uu saldhig u yahay aaladda casriga ah ee Faysbuuggu (Facebook), kulmiyana in ka badan 840 xubnood oo reer Somaliland ah, oo kala jooga daafaha dunida ayaa deeq raashin iyo alaabo kele isugu jirta ku wareejiyay dhakhtarka dhimirka magaalada Borama.

Maamulka gole-bulsheedan Faysbuuggu saldhigga u yahay ayaa baryahanba ku hawllanaa sidii sadaqo loogu ururin lahaa walaalaha dhibaataysan ee ku jira dhakhtarka waallida Boorama. Deeqdan ay Madashu ku wareejisay dhakhtar ayaa isugu jirtay raashin iyo alaab kele kuwaas oo ay ku baxday lacag qiimaheedu dhan yahay $ 2410, Lacagtaasi oo ay ku deeqeen dad badan oo kala jooga daafaha dunida, kuna walaaloobay Ilaahay dartii.

Maamulaha cusbitaalka Boorama Dr. Ismaaciil iyo maamulka qaybta dhimirka ayaa deeqdan ka guddoomiyay guddida sadaqo ururinta Madasha Indheer-garadka oo ka koobnaa afar xubnood oo kala ahaa:

1. Rooble Maxamed 


2. Mahdi Sheekh7 


3. Faysa Barre Axmed 


4. Huda Cali Banfas

Madasha Indheergaradka oo ah madal kulmisay aqoonyahanno iyo waxgarad badan ayaa ah madal inta badan lagu lafo-guro arrimaha bulshada iyo siyaasadda, waana madal u taagan in ay arrin iyo adduunba ku darsato hadba wixii ay bulshada u qaban karto.

Isla sannadkii hore ee 2013 xilli ku beegan bishii Ramadan ayay sidan oo kale madashu deeq ka kooban $ 4100 ku wareejisay dhakhtarka waalida Hargeysa.

Tallaabadani ayaa noqotay mid xubnaha madasha ku jira ku dhiirrigelisa in ay hawsha sadaqada sii wadaan oo ay sannadba magaalo gacan siiyaan. Taasina waxa ay keentay in Boorama ay nasiib u yeelato in ay sannadkan deeqdan hesho.

Madasha Indheergaradka oo ah bar-kulan xubnaha ku jiraa aanay badi aqoon gaar ah isu lahayn, oo waxa kaliya ee kulmiyay yahay aragti ayaa markasta heegan u ah in ay wax tarto bulshada. Waxaana madasha u qorshaysan in sannadkiiba hal magaalo oo Somaliland ka mid ah la gaadhsiiyo deeqdan oo kale, iyada oo bar tilmaameel laga dhiganayo dhakhtarka dhimirka ee magaalo kasta.

Ugu danbayntii dhammaan xubnaha madasha ku jiraa waxa ay u mahad celinayaan Ilaaha weyn ee u fududeeyay hawshan kheyrka badan. Intaa kadib madashu waxa ay u mahad celinaysaa maamulka dhakhtarka Borama oo si fiican ula shaqeeyay iyo guddida hawshan maamushay oo si xilkasnimo leh u gudatay waajibkoodii, iyaga oo hawlahoodii gaarka ahaa ka doorbiday in ay ka shaqeeyaan hawshan khayrka badan.

Allaa Mahad Leh

Guddida Sadaqo ururinta madasha Indheer-garadka 


2014-07-25