Kooxda Birjeex Oo Ku Guulaysatay Koobkii Ramadanta Ee Tareeriska

0
1121

Kooxda Kubada Cagta ee Birjeex, oo wacdaro ka muujisay Tartamada Bisha Ramadaane  ee ka socday Garoomada Hargeysa Stadium iyo Tareeriska, ayaa kooxda Birjeex, waxa ay shalay si xarago leh ugu guuleeystay koobkii Bisha Ramadaan ka socday Garoonka  Tareeriska, kadib markii ay ka badisay kooxda Xaraf.

Kooxaha Birjeex iyo Xaraf oo iyagu iskugu soo hadhay Finalka koobkan, ayaa ciyaar aad u xiiso badan oo kooxahan dhexmaray ayaa waxa ugu dambeyntii guushu ku raacday kooxda Birjeex oo ku badiyey 2-0, waxaana goolasha u kala dhaliyey Ciyaaryahanada Gofindha iyo Xamse Baadho, sidaasna waxa ay ku hanteen Koobkii Bisha Ramadaan ee ka socday Tareeriska.

Dhinaca kale kooxda Birjeex ayaa isla Maanta ciyaari doonto Final kale oo ka dhici doono Garoonka Hargeysa Stadium, iyada oo la ciyaari doonto kooxda Halgan oo shalay ka soo badisay Tigers.