Dhacdooyinka Dunida Iyo Googooska Maanta

0
1155

1. Ha Taaban Talefanka gacanta ee dhakhtarku sitg: Talefannada gacanta ee Digtoorradu waxa ay qayb weyn ka qaataan faafiista cudurka. Daraasad dhowaan la sameeyey ayaa muujisay in talefannada gacanta ee digtoorrada iyo neerastuba ay qaadi karaan jeermiska. Talefanka gacantu waxa uu gudbin karaa noocyo khatar ah jeermis iyo bakteeriya ah, suuro galna ay tahay in mobile-kani sabab u noqdo xanuunada gudba, oo laga yaabo in ay gaadho dhammaan cisbitaalka iyo cid kasta oo taabata talefankan.

2. 57 sano kadib ayuu ogaaday in cisbitaalkii uu ku dhashay siiyey gabadh aan hooyadii ahayn: Nin asal ahaan ka soo jeeda dalka Scotland balse muddo hadda laga joogo 57 sano ka hor ku dhashay dalka New Zealand ayaa ogaaday in markii uu dhashay si khalad ah cisbitaalku u siiyey gabadha uu u haystay hooyadii oo u dhalatay dalka Lubnaan, halkii ay ka ahayd in loo dhiibo hooyadiisa dhabta ah oo u dhalatay dalka Scotland. Ninkan hooyadiisa dhabta ah iyo haweenaydan la siiyey ayaa isku maalin ku umulay cisbitaalkan, balse muddo dheer oo uu qabay dareen ah in aanay gabadhani ahayn hooyadiisii rumaad ayuu isku sameeyey baadhitaan DNA ah waxaana u soo baxay sirtan aan ka farxin isaga iyo qoyskiisaba.