Shax Muujinaysa Heerarka Uu Tiro Ahaan Cudurka AIDS Ka Marayo Dunida Tan Iyo Markii Uu Bilowday (1)

0
613

Geneva (Geeska)- Warbixin sannadeedkii 2014ka ee hay’adda la dagaallanka AIDS u qaabilsan Qaramada Midoobey oo magaceeda loo soo gaabiyo UNAIDS ayaa lagu soo bandhigay shax muujinaya tirooyinkii u dmabeeyey ee la xidhiidha faafitaanka ama tirada dadka uu dunida ka helayo cudur-sidaha HIV ee dhaliya AIDS. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadiisan maanta ku soo qaadanayaa shaxdan UNAIDS ay ku muujisay xawligii uu ku faafayey cudurka HIV/AIDS sannad kasta laga soo bilaabo markii ugu horreysay ee dunida lagu arkay oo ahayd 1981kii:

– Sannadkii 1981kii illaa maanta, cudur-sidaha HIV/AIDS waxa uu ku dhacay 78 Milyan oo ruux dunida oo dhan ah.

– Tan iyo Sannadkii 1981kii illaa maanta 39 Milyan oo qof ayaa dunida ugu dhintay cudurka AIDS ka iyo xaalado caafimaad darro oo xidhiidh la leh ama ka farcama.

– Sannadkii 2013kii 2.1 Milyan oo qof ayaa uu ku dhacay cudur-sidaha HIV, taas oo marka la barbar dhigo tirada dadkii uu ku dhacay sannadkii 2001da muujinaysa in uu boqolkiiba 38 hoos u dhacay.

–  Sannadkii 2013ka waxaa cudurka AIDS dunida ugu dhintay 1.5 Milyan oo qof, taas oo marka la barbar dhigo sannadkii 2005ta muujinaya in dhimashada cudurkani ay boqolkiiba 33 hoos u dhacday.

– Sannadkii 2013ka, waxa uu cudur-sidaha HIV ku dhacay 240kun oo carruur ah, taas oo boqolkiiba 58 ka yar tirada carruurtii uu ku dhacay sannadkii 2001da. La soco…