2 Bilood Ee Sannadkan 2016 Ugu Kululaa Oo Noqday Heer-Kul-Kii Abid Ugu Sarreeyey Taariikhda Dunida

0
1035

Geneva (Geeska)- Bilihii toddobaad iyo siddeedaad (Julaay iyo Ogos) ee sannadkan 2016ka ayaa loo aqoonsaday in ay ahaayeen kuwii abid ugu kululaa ee soo maray taariikhda dunida intii la dhaqan geliyey hal-beegga qiyaasta heerkulka.

Ururka WMO oo qaramada midoobey u qaabilsan saadaasha hawada iyo la socoshada cimilada ayaa warbixin uu ka soo saaray heerkulka xagaaga sannadkan ee hadda dhammaaday waxa uu ku sheegay in heerkan aadka u sarreeya ee uu markii u horreysay heerkulku gaadhay ay hadda kadib noqon doonto hal-beegga cusub ee heer-kulka sarrayntiisa lagu astaysto.

Haayadda WMO waxa ay sheegtay in sannadkan 2016ku uu yahay kii ugu kululaa ee dunida soo mara tan iyo markii adduunyadu bilowday in ay ururiso heer-kulka sannad kasta, oo hadda laga joogo 137 sano. Agaasimaha haayadda WMO Petteri Talaas ayaa warmurtiyeed uu soo saaray ku sheegay in heerkulka uu sannadkan kor u dhaafay kii sannadkii hore ee 2015 ka la diiwaangeliyey oo markaas ahaa sannadkii ugu kululaa taariikhda.

Hal-beegga celcelis ahaan ugu sarreeya dunida ayaa hore loogu aqoonsanaa in uu yahay kii la diiwaangeliyey sannadkii 2014kii, laakiin labadii sano ee xigay ayaa uu mid kasta sii kordhay heer-kulku, waxa aanay taasi abuuraysaa cabsi ah in sannad kasta oo yimaaddaa ka sii kululaado kii ka horreeyey, taas oo lala xidhiidhinayo wasakhowga hawada ee sida xawliga ah heerkiisu dunida ugu sii badanayo, sababna u noqday isbeddelka cimilada.

Haayadda Qaramada midoobey u qaabilsan la socoshada cimilada ee WMO heer-kulkan sii kordhay kadib waxa ay soo saartay baaq ay hoggaamiyeyaasha dunida ku dhiirrigelinayso in ay dhammaan saxeexaan heshiiskii xakamaynta walxaha sababa kor u kaca heer-kulka cimilada iyo in heshiiskaas lagu dhaqmo.