11 Sababood Oo Sannadkan Sii Dhammaanaya Ee 2015 Ay Dunidu Ugu Tirin Doonto In Uu Wanaagsanaa (Q.3aad)

0
652

Washington (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah wax yaabihii ugu fiicnaa ee sannadkan sii dhammaanaya ee 2015ka ay dunidu ku xasuusan doonto, gaar ahaan dhinaca horumarka.

7. Cudurka Dabaysha Caruurta: Sannadkan waxaa abuurantay rajadii abid ugu weynayd ee laga qabo in gebi ahaanba dunida laga tirtiro cudurka dabaysha loo yaqaanno, waxaana markii ugu horreysay dhacday in tirada xaaladaha cudurkan ee carruurta ku dhacaysaa ay boqolkiiba 99 hoos u dhacdo. Bishii sagaalaad ee sannadkan galbanaya, ayaa ay haayadda caafimaadka adduunku ku dhawaaqday in cudurkani aanu khatar ku haynin dalka Nigeria lana filayo in uu gebi ahaanba dabar go’o sannadka 2017ka.

8. Tirada gaajada dunida oo hoos u dhacday sannadkan: Tirada dadkii gaajada qaba ee dunida ayaa sannadkan aad uga yarayd tiradii lagu arki jiray dunida sannadihii hore. Tusaale ahaan intii u dhexeysay sannadihii 2012ka illaa 2014ka tirade dadka dunida ee cunto la’aantu haysay waxa ay ahayd qiyaastii 805 Milyan oo ruux, taas oo u dhiganta in Sagaalkii qof ee kasta ee dunida ku noolba uu mid ka mid ahi gaajoonayey, nasiib wanaag tiradaasi sannadkan waxa ay hoos u dhacday illaa 200 oo Milyan oo qof, waana halkii ugu hoosaysay ee ay gaadho muddo Rubuc Qarni ka badan.

9. Waxaa kordhay tirada dadka biyo nadiif ah hela: Sannadkan 2015ka waxaa kordhay dadka dunida ku dhaqan ee helaya biyo nadiif ah oo la cabbo, tirokoobyadii u dambeeyeyna waxa ay xaqiijinayaan in dadkii ka qataana biyaha nadiifta ah ay tiradoodu ka hoos martay 700 oo Milyan, taas oo ah markii ugu horreysay ee ay tiradu intaas gaadho tan iyo inta laga og yahay taariikhda dunida oo dhan. tirokoobyada caalamiga ah ee arrintan la xidhiidha ayaa muujinaya in tirada dadka dunida ee maanta biyo nadiif ah oo ay cabbaan helaa ay marayso 6.6 Bilyan oo ruux, taas oo macnaheedu noqonayo in boqolkiiba 91 dadka dunidan ku dhaqani ay helaan biyo nadiif u ah cabbis, halka ay tusaale ahaan sannadkii 1990kii ka ahayd tiradaasi boqolkiiba 76.

10. Waxaa mar kale sii yaraatay tirada dhimashada carruurta ka yar 5 san: Sannadkani waxa uu noqday sannadkii Saddex iyo Afartanaad ee ay si joogto ah hoos ugu sii dhacayso tirada carruurta ka yar 5 jirka ee sannad kasta dunida ku dhinta. Arrintan waxa ay khubaradu u tirinayaan horumar guud ahaan dunidu ka samaysay la dagaallanka cudurrada khatarta ku ahaa nolosha carruurta Shan jirka ka yar, waxaa ka mid ah Duumada, Qaaxda, Nafaqo yaraanta, Faytamiin A oo hoos u u dhaca iyo dawooyinka fiican ee lagula tacaalo cudurka AIDS ka, sidoo kale waxaa sannadkan sii wanaagsanaatay aqoonta iyo ku baraarugsanaanta daryeelka wanaagsan ee dadka bukaanka, waxaa yaraaday shubanka iyo caabuqa sambabada oo dhammaantood carruurta noloshooda galaafan jiray. Sannadka 2015ka ayaa uu is-dhinkii ugu weynaa ku yimid tirada dhimashada carruurtan, waxaana la qiyaasay in 19 kun ay sannadkan dhimashadu ka yar tahay 1990kii.

11. Dadaalkii la dagaallanka is-beddelka cimilada oo meel fiican laga gaadhay: Sannadkan waxaa dunida kadhacay saddex arrimood oo muhiim ah oo la xidhiidha siyaasadda la dagaallanka isbeddelka taban ee cimilada adduunka ku yimid. Marka koowaad, sannadkan 2015kii waxa uu ka kululaa sannadihii hore oo dhan, taas macnaheeduna waa in heer-kulka dunida uu hal darajo kor u kacay, waana markii ugu horreysay ee intaas in le’eg uu kor u kaco, tan iyo kacaankii warshadaha, taasina waxa ay burinaysa doodda dadkii ku andacoon jiray in cimilada adduunka uu is beddel tabani ku yimid, arrintaas oo dhibta ay leedahay uu barbar socdo wanaag ah in dunidu ku wada qanacdo dhibta isbeddelka cimilada ee jira, si xooggan si midaysan loogu raadiyo.

Marka labaad; warka fiican ee sannadkan dunida ku soo kordhay ayaa ah in sannadkan uu aad u yaraaday xaddiga, Carbon Dioxide (Karboon Laba Ogsaydh), iyada oo haddana uu dhaqaalaha dunidu sannadkan sii kordhay. Taas oo iyaduna leh faa’idada ah in dadku fahmaan iyada oo la yaraynayo qiiqa dhibta ku haya cimilada adduunka, in haddana dhaqaaluhu uu kori karo. Arrinta saddexaad waa in shirkii dhowaan Paris ka dhacay ee cimilada la xidhiidhay ay 200 oo dowladood markii ugu horreysay ku heshiiyeen ay waajib tahay in cimilada adduunka lagu soo celiyo heer ay laba dhibcood (2%) oo keliya ka badan tahay heerkii ay ahayd kacaankii warshadaha ka hor. Iyo in la sii wado dadaalka lagu xakamaynayo kor u kaca heerkulka dunida. Dhammaad.