11 Dawladaha Dunida Ugu Ladan Ka Mid Ah Oo Ay Soo Waajahday Khatar Dumar Yaraan Ah Iyo Sababta Keentay

33
2530

Hargeysa (Geeska)- Waxaa lagu wadaa in dhowaan ay dadka ku dhaqan tuule yar oo ku yaalla koonfurtagalbeed ee dalka Iswitsarlaand u codayn doonaan siyaasad cusub oo dhigaysa in abaalmarin lacageed la siiyey soogalaytiga go’aansada in ay ku noolaadaan tuulahan.

Warkan oo lagu faafiyey wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa intaas ku daray, in go’aankan soogalayti raadiska ah uu tuulahani qaatay markii dadkii deegaanku sannadihii u dambeeyey ka haajireen, taas oo sababtay in guryihii tuulaha badankoodu ay noqdaan kuwo xilliyada fasaxyada uun dadku u soo nasasho tagaan, inta kalana xidhan.

Haddaba tuulaha Albinen oo keliya ma’aha deegaannada dunida maanta ka mid ah ee baahida u qaba dad aan kuwii u dhashay ahayn oo soo dega si ay u biiriyaan tirada dadka deegaanka ee sii dabargo’aya, degmadana uga ilaaliyaan in ay isu beddesho kharaabado laga haajiray. Balse waxaa jira dalal iyaguna sidan oo kale dad u baahi qaba oo dadkoodu gabow iyo dabargo’ ka cabsi qabaan.

Waxa aynu qormadan ku eegaynaa 11 dal oo ka mid ah dalalka dadka soogalaytiga ah u baahan, laakiin iyagu u baahi qaba haween, kaddib markii ay soo baxday in tirada xaawaleydu ay aad uga sii yaraanayso tirada ragga.

Arrimaha xiisaha leh ee dunida ka jira waxaa ka mid ah in marar badan uu dheelli ku yimaaddo isu dheellitirnaanta ragga iyo dumarka, arrimaha sababta u ahna waxaa ka mid ah, muhaajiriinta dalalkaas lagu deegaameeyo oo laga yaabo in ay labada jinsi ku kala badan yihiin, dhibaatooyin dhinaca deegaanka ah iyo xitaa xaalado caafimaad oo dhinaca maskaxda u badan. Barta Internet ka ee Bright  Side oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa dhowaan sii deysay liiska dawladaha dunida maanta ka midka ah ee ay raggu ka bateen dumarka, waxa aana ka mid ah:

  1. Noorway: Marka la eego wadarta guud tirada muwaadiniinta ragga iyo dumarka ah ee dalkaas, waxaa soo baxaysa in tirada raggu ay 12 kun ka badan tahay tirada guud ee haweenka. Welina dawladda dalkaasi ma’ay gelin dadaal muuqda oo ay ku yaraynayso faraqa tiro ee u dhexeeya labada jinsi.
  2. Ayslaand (Iceland): 104 tii nin ee dalkan u dhashayba, waxaa ku soo beegmaya 100 dumar ah, taas oo ka dhigan in raggu ay 1.04 ka badan yihin dumarka dalkaas. Arrintan ayaa sabab u ahayd in beryo dhexdaas ahaa ay soo baxaan warar sheegaya in xukuumadda Ayslaand ay go’aansatay in dumarka ajaanibka ah ee u soo haajira ay u guuriyaan rag muwaadiniin ah, laakiin warkaas oo markii hore si aad ah ugu faafay dunida, ayaa ay dawladdu si degdeg ah u beenisay.
  3. Kanada: Dalka Kanada tirada guud ee muwaadiniinta ragga ah ayaa 250 kun oo nin ka badan wadarta guud ee dumarka muwaadiniinta ah. Arrintan ayaa ay khubaradu ku sababeeyeen in dumarka reer Kanada ay ku badan tahay in ay dalkooda uga haajiraan dalalka kale ee dunida, inta badanna ay dhacdo in aanay dib ugu soo noqon dalka.
  4. Qubrus: In kasta oo uu dalkani ka mid yahay kuwa ay soogalaytiga ugu badan ee dunidu tagaan, walow ay aad uga sii gudbaan, haddana weli waxaa dalkaas ka jirta dhibaato ah dumar yaraan. Waxa aana si isa soo taraysa in uu sii badanayo faraqa tiro ee u dhexeeya dumarka oo sii yaraanaya iyo ragga oo sii badanaya.
  5. Shiinaha: Haddii ragga iyo haweenka reer Shiine la isu saara oo midiba mid la istaago, waxaa soo baxaysa in 34 Milyan oo nin oo Shiine ahi ay waayayaan gabadha hareer istaagta.
  6. Finlaand: Sida ay muujinayaan tirokoobyada bulsho ee laga sameeyey dalka Finlaand, waxaa jira muwaadiniin rag ah oo tiradoodu dhan tahay 256 kun oo da’doodu u dhexeyso 25 illaa 54 sano jir, kuwaas oo aan helayn mataan muwaadinad ah oo ay nolosha la wadaagaan.
  7. Talyaaniga: Waa dhif in aad dalkaas ku aragto dumar muwaadiniin ah oo gurijoog ah, (Aan shaqo dibadeed qaban oo u go’day shaqada qoyska iyo daryeelka ubadka). Dumarka Talyaanigu waxa ay caan ku yihiin shaqatagga, kuwa dhalinyarada ahina waxa ay aad ugu safraan dalalka dibadda, si ay shaqo iyo waxbarasho uga raadsadaan. Sidaa awgeed mar kasta ragga ayaa ka badan dumarka.
  8. Iswiidhan (Sweden): Dalka Iswiidan waxa uu ka mid yahay dalalka dadka badan ee soogalaytiga ah dib u dejinta u sameeya, laakiin dhibaatadu waxa ay ka taagan tahay dadka dhulkaas gelaya oo rag u badan, taas oo dheelli ku keentay isu dheellitirnaantii ragga iyo haweenka. Tirkoobyadii u dambeeyey ayaa muujinaya in tirada guud ee haweenka dalkaasi ay 15 kun ka yar tahay wadarta guud ahaan ragga ku dhaqan dalka.
  9. Hindiya: Dalka Hindiya oo ah dalka labaad ee dunida oo dhan ugu dadka badan, waxaa isagana soo waajahday dumar yaraan. Tirakoobyada lagu sameeyey da’ yarta 24 sano ka yar ee dalkaas ayaa muujinaya in 110 kii ninba ay ku soo hagaagayaan 100 dumar ahi.
  10. Iswitsarlaand (Switzerland): Si la mid ah dalka Iswiidhan ayaa uu dalkanina ka mid yahay bartilmaameedka qaxoontiga ugu badan ee dunidu tago. Sababaha waxaa ka mid ah dalkaas oo xuquuqda aadamaha aad u dhawra iyo dalka oo ladan, taasina ay keentay in daryeel fiican iyo dib u dejin ay ka helaan dadka soogalaytiga ahi. Laakiin waxaa dalkan ka taagan nasiibdarro ah in ragga u haajirayaa ay mar kasta aad uga badan yihiin dumarka u haajiraya.

Kala badnaanshiyaha soogalaytigu waxa ay sababtay in marka muwaadiniin laga dhigay ay dheelli xooggan ku keeneen isu dheellitirnaantii ragga iyo haweenka.

Ingiriiska: Dalka Ingiriisku waxa uu ka mid yahay dalalka dunida ee sida gaarka ah ay dumarku ugu qabaan xaqdhawrka iyo soo dhoweynta, waxa aana aad loola dagaallamaa kala tagsanaanta dhinaca xuquuqda madaniga ah ee dumarka iyo ragga ee ka jirta meel badan oo dunida ka mid ah. Tusaale ahaan dalkan waxaa aad loola diriraa nidaamka ah in dumarka shaqeeyaa ay qaataan mushahar ka hooseeya ka ay qaataan ragga la xirfadda ah ee ay isku shaqada yihiin.

Arrimahani waxa ay sababeen in dumarka dalku ay si aad ah u shaqeeyaan, oo ay yaraadaan dumarka gurijoogga ahi, taasina waxa ay dhinaceeda yaraysay tarantii guud ee dadka. Waxa se iyaduna dalkaas aad ugu badan in muwaadiniinta dumarka ahi ay ka haajiraan si xirfaddooda sarraysa iyo aqoonta tayada leh ee ay nasiibka u heleen ay ugaga soo faa’iidaystaan dunida kale oo ay ka helaan fursado shaqo oo ka badan kuwa ay Ingiriiska ka heli lahaayeen.

Safarkaas badan ee dumarka oo dabcan marar badan keenaya in dumarku aanay soo noqon oo ay degaan dalalkaas cusub ayaa sababtay in tirada raggu ay aad uga badato tirada dumarka Ingiriiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here