10 Arrimood Oo Sabab U Noqon Kara In Aanu Qofku Abidkii Maal-Qabeen Noqon Ama Lacag Kaydsan (Q: 2)

Published on Apr 24 2014 // Googooska Geeska

Picture7Washington (Geeska)- Waa qormadii Labaad ee taxanihii aynu kaga waramaynay Tobanka qalad ee ay khubarada maaliyaddu sheegeen in ruuxa caadaysta ay ka hor istaagayaan in uu maalqabeen noqdo ama lacag fiican kaydsado.

1. Kharash badnaan: Haddii aad jeceshay in aad isticmaasho kharash aad uga badan inta aad baahida dhabta ah u qabto, waxa aad ogaataa in aanad kelidaa sidaa ahayn. Tiro-koob dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 52 dadka caadada u leh in ay kharashka badan isticmaalaan ay inta badan adag tahay in ay wax keydsadaan ama ay si aan u dan ahayn aad dib ugu isticmaalaan lacagta ay kaydsadaan, halka boqolkiiba 22 dadkaas ka mid ahina ay ka isticmaalaan deyn. In dakhliga bishii ku soo galaa uu dhammaantii noqdo kharash aad isticmaasho, waxa ay caddaynaysaa in aanad haynin dhabbihii aad maalqabeennimadda u mari lahayd. Waxaa fiican in qofku bil kasta samaysto miisaaniyad uu isu dheelli tirayo kharashka uu u baahan yahay iyo dakhligiisa, haddii uu arko in kharashka uu bishaas u baahan yahay ka badan yahay inta soo gelaysa ama aanay ka suurtogelayn in uu wax ka dhigtana waxaa qasab ah in uu dib ugu noqdo xisaabtiisa si uu kharashaadka aan daruuriga ahayn qaarkood u jaro. Ruuxu waa in uu mar kasta niyadda ku hayaa lacag uu isticmaalo marka uu shaqada ka nasto ama ay ka dhammaato iyo lacag xaaladaha degdegga ah ee ku yimaadda uu u isticmaalo.

2. Kaydka aad dhigataa kuma filna intii aad u baahnayd: In dakhliga ku soo gala aad wax ka dhigataa waxa ay muhiim u tahay jaran-jarrada aad doonayso in aad maal-qabeennimada u marto. Marka ugu horreysa ku bilow in aad dakhligaaga si joogto ah uga reebto xaddi go’an oo aad ugu talo gasho xaaladaha degdegga ah. Marka aad hubiso in dakhliga aad xaaladaha degdegga ah u dhigatay uu yahay mid macquul ah, ayaa aad ka fikiri kartaa in aad dhigato lacag aad u isticmaasho ujeedooyin kale, sida in aad guri ku iibsato ama in aad jaamacad ku gasho.

3. Ha ka baqan deynta: In kasta oo ay deyntu tahay culays qofka ku keena diiqad iyo dhibaato nafsi ah, haddana waxaa hubaal ah in ay tahay waxa ugu badan ee ay adduunyadu maanta ku kala socoto. Deyn qaadashadu waa hab qofka u fududayn kara in uu lacag kaydiyo, tusaale ahaan marka qofka lacag lagu leeyahay waxa uu ku qasbanaanayaa in uu lacag dheeraad ah sameeyo iyo in uu kharashkiisa dhimo si uu u deyn baxo, taas oo ka duwan marka uu doonayo in iyada oo aan kharash lagu lahayn uu iskii lacag u kaydsado.

Waxaa fiican in shay faa’ido maaliyadeed leh, ama aan qiimihiisu hoos u dhacayn aad ku iibsato deyn, kadibna ka shaqayso in aad deyntaas dib u bixiso. Tusaale ahaan guri deyn ku dhiso, ama bilow ganacsi aad maalgashigiisa deyn ku darsato. Waxase shardi ah in deynta aad qaadanayso iyo sida aad isaga bixin kartaa ay marka hore kuu xisaabsan yihiin aadna aad u daraasaysay.

4. Qorshe haddii aanad lahayn lacag aad dhigataa kaa dheer:  Haddii aanad lahayn qorshe cad oo qeexan, haddana aad filayso in aad maalqabeen noqon doonto, waxa aad u muuqata in aad riyo maalmeed ku jirto. Haddii aanad qorshe lahayn waxa aad sababo iyo cudur daar u helaysaa kharashaadka xad dhaafka ah ee aad isticmaasho, laakiin dhigasho iyo kaydini kaa dheer. In aad samaysato qorshe maaliyadeed waxa uu tiir muhiim ah u yahay in aad ogaato kharashka kaa baxaya si aad u dhimi karto ka aan muhiimka ahayn ama dib loo dhigi karo.

5. Iska jir in aanad yeelan kharash u gaar ah xaaladaha deg-degga ah: Khubaradu waxa ay yidhaahdaan, qofku waxa uu u baahan yahay in uu meel gaar ah ku hayo lacag u dhiganta dakhligiisa billaha ah ee ugu yaraan lix bilood, si uu ugu badbaado haddii xaalado degdeg ahi ay yimaaddaan. Noloshu waa ay khiyaamo badan tahay, in aad haysan weydo kayd aad duruufaha aan fiicnayn kaga gudubto ama ugu yaraan muddo ugu dhabar adaygtaana waa masiibo. La soco…

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!