YOUTUBE Oo Daawashadiisa Xanibaad La Saaray Gebi Ahaan Dalka Masar

0
488

 

youtubeQaahira (Geeska/AR)- Maxkamad ku taal Masar ayaa sabtidii amartay in barta daawashada filimada YouTube gebi ahaanba laga xanibo isticmaalkeeda muddo bil ah dalka, ka dib markii ay u fududeeyeen gaalada daawashadiisa filim diinta islaamka dhaleeceeyey oo Maraykanka lagu sameeyey.

 

Maxkamada ayaa ku amartay maamulka inay xaqiijiyaan xanibaada bartaa muddo bil ah, ka dib markii dad reer Masar ku eedeeyen inay halis ku tahay xasiloonida shacabka, sababtoo ah fududeyntooda daawashada filimka shayaadiintu sameeyeen.

Filimkaa oo sannadkii hore Maraykan lagu sameeyey ayaa dhaliyey kacdono waaweyn oo Maraykanka lagaga soo horjeedo ummada islaamku guud ahaan dunnida ka samaysay, gaar ahaan aBarriga dhexe, kun adhinteen 30 qof.

YouTube, mareeg hoos timaada shabakada Google, ayaa laga xanibay dalka Pakistan waxii ka dambeeyey bishii December, ka dib markii ay dheg u dhigi waayeen dalab loogu jeediyey inay ka saaraan filimkaa xun.

Bartan ayaa go’aansatay inay xanibto adeegsiga filimkaa shacabka dhowr wadan oo Masar, Libiya, Sacuudiga iyo Indonisiya ah. January 29, maxkamad Masar ah ayaa xukun dil ah ku riday todoba shaqsi oo kiristaan Masar u dhashay ah iyagoo maqan, sababo la xidhiidha ka qeybqaadashadooda samaynta filimkaa.