Qoyska Nadra Maxamed Jaamac Oo Raaligelin Siiyay Wasiir Xirsi

0
538

 

Picture1Hargaysa( Geeska )- Ehelada Nadra Maxamed Jaamac oo ah haweenaydii u xidhnayd af-lagaado ay telefoonka  ugu dirtay  wasiirka maraxtooyada Xirsi Cali Xasan, ayaa raali galin ka  siiyay wasiirka fariintaas af-lagaadada ah ee ay u dirtay haweenaydaasu, waxaanay ka codsadeen isaguna inuu dhankiisa inuu haweenaydaas iska cafiyo.

Rashiid Axmed Jaamac oo ah haweenaydaas eheladeeda, oo xalay nagu soo booqday xarunta Geeska Afrika, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaan halkan ku cadaynayaa in inantaas xidhani inay wasiirka qalad ka gashay oo ay ku qaldantay, raaligalina aanu ka bixinayno qaladkaas, wasiirkana waxaanu ka codsanaynaa inuu iska cafiyo.”

Nadra Maxamed Jaamac ayaa mudo bil ku dhaw waxa ay u xidhnayd eedayno af-lagaado ah oo wasiirka madaxtooyada Xirsi  uu ku soo eedeeyay, waxaana kiiska noocan ah ee maxkamada dalka galay uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee wasiir iyo qof shacab ahi ay iskula galaan maxkamada.