Cali Yuusuf Oo Beeniyay Inuu Jiro Mooshin Madaxwene-xigeenka Ka Dhan Ah Oo Golaha La Keenay

0
575

 

cali awHargaysa( Geeska )-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Cali Yuusuf Axmed, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay furitaanka dastuurka, waxaanu gudoomiyahu sheegay inay jiraan qodabo dastuurka ka mid ah oo wax ka badalkiis ay labada gole ee baarlamaanku dhamayn karaan iyo kuwo afti dadweyne u baahan.

 

Sida oo kale gudoomiye Cali Yuusuf waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladu ay damacsan yahiin in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo madaxweyne ku xigeenka. Waxaanu ugu danbayntii hadalo kooban ka yidhi khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Cali Yuusuf oo warbaahintu ay waydiisay in labada gole baarlamaan ay awood u leeyahiin furitaanka dastuurka iyo in loo baahan yahay afti ayaa yidhi “ Qodobo u baahan iyo qodobo aan u baahnayn ayaa kala jira waxaanay ku xidhan tahay qodobada la soo codsaday in wax lag badalo, kuwo ay labada gole inay wax ka badalaan ay awood u leeyahiin ayaa jira.”

Waxa kale oo ay warbaahintu su’aashay gudoomiye xigeenka labaad ee golaha wakiilada mooshin xilka xayuuuban ah oo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka in uu golaha ku jiro waxaanu ku jawaabay  “Hore  umay dhacin saaka oo Sabti ah ( Shalay ) oo galaha aanu ku suganahayna waxba lama keenin, una malayn maayo inay arintaas wax ka jiraan, waa sheeko suuqa lagu sameeyay oo lagu shaanbadaynaayo golaha wakiilada, xildhibaanadiina waanu wada joognay oo wax hadal haya iyo wax arintaas wadaa midna maanu arkin, waana sheeko suuq lagu sameeyay.”

Sida oo kale ugu danbayntii gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiiladu waxa uu hadal kooban ka yidhi waydiin dabadeed khilaafka ka dhex dhashay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa  “ khilaafka madaxweynaha iyo ku xigeenka kama warqabno oo warbaahinta ayuunbaanu ka maqalnay,maxweyne ku xigeen kuna Khamiistii waa uu joogay xafiiskiisa saakana ( Shalay ) waa uu joogaa, markaas warkaasi waa wax la sii buunbuuniyay, hadii shaqada lagu wada hadlona waa wax dhaci kara oo had iyo jeer waxbaa layska waydiin karaa rayigana waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin wax lagu kala tagaayo maaha.”