Wasiir Geeddoole Oo Kormeer Ku Sameeyay Beeraha Baki Iyo Boorama Oo Dhibaatooyin Soo Wajaheen

0
1036

Borama(Geeska)-Wasiirka Beeraha ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole ayaa shalay  kormeer hawleed ku soo maray beeraha degaanada, Cadaad, Badanbad, Xeego, Dooxa Biraad, Dibarawayn, Baki, Old Baki, Sogsogley, degmolaqas, Holholka oo intuba hoos yimaada degmooyinka Baki iyo Boorama.

Ujeeda booqashada wasiirka ayaa waxa ay ka dambaysay kadib cabashooyin isa soo tarayay oo ka soo yeedhayay dadka beeralayda ah ee degaanadaas taasi oo ku qotontay cayayaan ku dhashay beeraha, iyo meelaha qaar ay masiibooyin dabiici ah oo ay ka mid yihiin roobabku ay burburiyeen beero aad u tiro badan.

Qaar ka mid ah beeralayda degaamadaas oo ay weheliyaan masuuliyiinta degada Baki ayaa wasiirka uga waramay xaaladu sida ay tahay waxana ay wasiirka dul geeyeen beero ku yaala deegaanadaas oo markii hore ahaa kuwo laga manaafacaadsado balse isu bedelay goobo haawanaya kadib markii ay daadadku la tageen dalag badan, isla markaana cimiladu ay sababtay in dhul beereedkii uu isu rogo qayb ka mid ah dooxyada.

Sidoo kale dadkaas beeralayda ah ayaa waxa ay Wasiirka indhaha u saareen dalag badan oo la beeray oo ay waxyeeleen cayayaano cusub oo ku dhashay isla markaana aanan la haynin dawooyin lagu buufiyo oo wax ka tara in dalaga la badbaadiyo taasina ay noqotay dhibaato kale oo ay ka cabanayaan dadka beeralayda ah ee degaankaasi.

Wasiir faarax ayaa waxa kale oo uu booqday balayga HOLHOLKA oo ah balayga ugu wayn deegaanada duleedka Boorama oo la cara qaaday isla markaana maanta ah mid shaqaynaya, waxana uu Wasiir Faarax ku dardaaray dadka degaanka inay ilaashadaan oo ay balaygan ka faaiidaystaan, sidoo kale waxa uu wasiir Faarax qiray in dhulka go’aya uu yahay dhibaatada ugu balaadhan ee aanay waxba ka qaban karin ka wasaarad ahaan waxana uu yidhi “ Dhinta dhulka go’aya way nahaysataa waxna kama qaban karno, waxa loo baahan yahay in dadka beeralayda ah ay dagaankooda ka war hayaan oo marka uu go’u bilaabmo ay isugu tagaan oo ay ku guusaan oo ay xidhaan dhulkaasi go’aya”.

Sidoo kale wasiir faarax waxa uuka waramay waxa uu soo arkay waxana uu yidhi “ Waxa ugu badan ee aan soo arkay ee dhibta ku haysa beeralayda waa sedex arimood, mida koowaan waxa ay tahay dhul beereedkii oo go’aya oo noqday qayb dooxyada ka mid ah oo aanan waxba laga qaban, mida labaad waxa ay tahay wado xumo waxyeeshay dhulkii beeraha lahaa oo ka xidhay inay la xidhiidhaan degaanada kale ee ay dalaga baxay u iibgaynayaan, mida sedexaad waxa ay tahay cayayaan dilaya dalagii la beeray, dhibaatooyinkaasi waxa aan isku dayi doonaa inaan wax ka qabao kuwo nala awooda ah, waanan gaar siinayaa qaylo dhaanta hayadaha ay qusayso ee aan gacan saarka leenahay, waxana dadka beeralaysa ah laga rabaa inay iyaguna dhinacooda wax ka qabtaan oo ay dhulka go’aya iyagu bilawgaba xidhaan, wadooyinkana ay gacanta ula tagaan oo ay baneeyaan.

 

Weriye Cabdalle Cali Yuusuf, Borama