Yaasir Carafaat Oo La Xaqiijiyey In Uu U Dhintay Sunta Polonium

0
551

caraaaRaadka sunta Polonium ayaa laga helay dharkii Carafaat:

Baadhitaan aad u xeel dheer oo muddo 9 bilood ah uu talefishanka Aljazeera waday ayaa lagu xaqiijiyey in xamaamtii gaarka ahayd ee madaxweyne Carafaat gaar ahaan tii uu isticmaalay waqti yar ka hor dhimashadiisii laga helay raadka maadadda sunta ah ee Polonium. Barnaamijkan xiisaha badan oo muddo toddobaadyo ay si bilaa samir ah ku sugayeen daawadayaasha Aljazeera iyo dunida oo dhami, waxa uu ka soo bilowday xanuunkii mar keliya ku soo booday Carafaat xilli uu ku sugnaa qasriga madaxtooyada ee Raamallaah oo ay dhan kasta kaga go’doomiyeen dabaabadaha Israel, ka hor intii aan loo qaadin cisbitaal milateri oo ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo uu ku qaatay ayaamihii noloshiisa u dambeeyey.

In kasta oo dhimshada Carafaat hadda laga joogo in ka badan 7 sano, markii uu cisbitaalka Faransiiska yaallayna lagu sameeyey shaybaadho caafimaad oo aad u kala duwan haddana weli waxa hal-xidhaale ah duruuftii keentay dhimashada hoggaamiyaha. Shaybaadhadaa lagu sameeyey Paris laguma sheegin raad sun ah oo cad oo laga helay jidhka Carafaat, iyo xataa xanuunka uu sababtiisa u dhintay midna. Laakiin waxaa haddana markiiba la isla dhex maray sababo kala duwan oo lagu andacoonayo in uu u dhintay; waxaa ka mid ahaa Kansarka beerka burburiya, xataa waxaa la isla dhex maray ku-tiri-ku-teen sheegaysa in Carafaat uu u dhintay cudurka AIDS-ka. Haddaba baadhitaan uu talefishanka Aljazeera waday muddo sagaal bilood ah isaga oo adeegsanaya mid ka mid ah shaybaadhada dunida ugu magaca weyn oo ku yaalla dalka Switzerland ayaa daahfuray in dhammaan wararkaas hore ahaayeen been aan sal iyo raad lahayn. Carafaat xaaladdiisa caafimaad aad ayaa ay u fiicnayd intii ka horreysay 12-kii Oktoobar ee sannadkii 2004-ta oo mar keliya uu cudur ku soo booday.

Shaybaadhkani waxa uu xaqiijiyey in xaddi aan dabiici ahayn oo maadadda Polonium ahi ay ku jirto xamaamtii iyo qalabkii ugu dambeeyey ee Carafaat isticmaalay oo ay ka mid ahaayeen dharkiisii, burushkii ilkaha iyo xataa cumaamaddiisii.

Dharkan iyo qalabkan Carafaat oo lagu baadhay shaybaadhka Mac-hadka caanka ah ee Institut de Radiophysiqueoo ku yaalla magaalada Lausanne, ee dalka Switzerland, waxaa laga helay dhibco dhiiggii Carafaat ah, dhididkiisii iyo kaadidiisii, oo markii lagu sameeyey shaybaadh ay ka soo baxday in dhimashadiisa ka hor jidhkiisu lahaa xaddi aad u badan oo ah maadaddan sunta ah ee Polonium.

Agaasimaha xarunta shaybaadhkan samaysay oo lagu magacaabo Dr. Francois Bochud ayaa isaga oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya waxa uu yidhi, “Waxa aan idiin xaqiijinayaa in maadadda Polonium ay ku jirtay xamaamta aanu shaybaadhka ku samaynay ee Carafaat oo aanu ka helnay dhibco dareerayaashiisii ka mid ah”

In kasta oo uu shaybaadhku sidan xaqiijiyey, haddana waxa ay dhakhaatiirtu sheegayaan in ay u baahan yihiin baadhitaanno intan ka badan, gaar ahaan in ay ku sameeyaan lafaha marxuum Carafaat ama ciidda hareero taalla maydkiisa, haddii ay shaybaadhadaasina xaqiijiyaan in xaddigaa tirada badan ee maadadda Polonium tu ay taasi noqonayso xujo cad oo sheegaysa in Carafaat uu u dhintay sun.

Xamaamtan Carafaat oo ay xaaskii uu ka tegey ee Suha Carafaat ay u dhiibtay saxafiyiinta baadhitaanka waday ee Aljazeera ayaa ay dhakhaatiirtu ka waayeen sunta inta badan laga filanayey in lagu dili karo qofka ee la yaqaanno, laakiin waxaa shaybaadhkii ka soo baxay sun aan laba filayn iyo maaddooyin waxa ay yihiin madow badani ku jiro oo ay ka mid tahay Polonium.

Polonium waa maaddo leh fallaadhaha Radioactive oo aan si caadiya loo samayn karin haddii aan la adeegsan warshadaha Nukliyeerka soo saara, waxaana loo isticmaalaha haba kala duwan oo ay ka mid tahay in tamar looga dhigo dayax gacmeedyada hawada sare loo ganayo. Maadaddan waa ay ku jirtaa hawada sare ee dunida ku xidhan, laakiin waa xaddi dabiici ah. Sannadkii 1898-kii ayey maadaddan heshay saynisyahanaddii lagu magacaabi jiray Marie Curie, markii ay samaysay dadkii ugu horreeyey ee ay galaafatayna waxaa ka mid noqotay Erin oo ahayd inan ay dhashay. Erin waxa ay u dhimatay cudurka Kansarka dhiigga ku dhaca ee loo yaqaanno Leukemia. Cudurkan sababtiisuna waxa ay ahayd maadaddan oo jidhkeeda gaadhay mar ay gashay shaybaadhkii ay hooyadeed ku farsamaynaysay. Waxaa kale oo maadaddan u dhintay laba qof oo ka shaqaynayey goobo Nukliyeerka lagu farsameeyo oo ku yaalla Israel, kadib markii ay maadadda Polonium jidhkooda gaadhay, laakiin ciddii ugu caansanayd ee maadadda Polonium dishay waxa uu ahaa Alexander Litvinenko oo hore u ahaan jiray basaas ka tirsan sirdoonka Ruushka, laakiin markii dambe ka fallaagoobay oo degey dalka Ingiriiska. Alexander oo London ku dhintay sannadkii 2006-da ayaa baadhitaan uu Ingiriisku ku sameeyey lagu ogaaday in uu u dhintay sunta Polonium oo loogu dhex qariyey koob shaah ah oo uu ka baxay maqaaxi ku taalla London. Waxaana la filayaa in dilka Alexander ay ka dambeeyeen sirdoonka Ruushka oo ku ciqaabayey inuu ka baxsaday.la soco…

 

 

 

 

Caafimaad ahaan weli ma jiraan calaamado rasmiya oo dhakhaatiirtu isku waafaqsan tahay in lagu garan karo qofka Polonium ku sumooba, sababaha aan illaa hadda la isula meel dhiginna waxaa ka mid ah iyada oo ay weli aad u yar yihiin xaaladaha ku sumowga Polonium ka, laakiin sida ay sheegeen dhakhaatiirtii gacanta ku haysay basaaskii Ruushka ee Alexander calaamadaha lagu arkay waxaa ka mid ahaa, Shuban xad dhaaf ah, Miisaanka oo si dhaqso ah u luma (Qofka oo dhuubta), iyo matag, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in calaamadahan dhammaantood lagu arkay Carafaat intii uu xanuunkan soo boodada ahi helay kadib.

Heerka Polonium ee laga helay dharka Carafaat:

Khubarada mac-hadka Lausanne waxa ay sheegayaan in xaddiga maadadda Polonium ta ah ee ay ka heleen dharka iyo xamaamta kale ee Carafaat ay tahay mid toban laab ka badan xaaladaha caadiga ah, warbixinta uu mac-hadkani soo saaray oo uu u sameeyey talefishanka Aljazeera waxa uu ku sheegay in xataa marka la eego basaaskii Alexander heerka maadaddan ee laga helay uu aad uga yar yahay inta hadda laga helay raadka Carafaat.

Dharka shakhsiga ah ee Carafaat, gaar ahaan dharka laga helay dareerayaasha (Dhiigga, candhuufta iyo kaadida) waxaa lagu ogaaday in heerka polonium aad u sarreeyo, tusaale ahaan burushkii ilkaha ee Carafaat waxaa laga helay maadaddan xaddi gaadhaya illaa 54 Millibecquerels (mBq) oo ah hal-beegga lagu qiyaaso Polonium ka. Dharka lahaa kaadida Carafaat waxaa laga helay xaddi maadaddan ah oo qiyaasteedu tahay 49 Millibecquerels (mBq) halka nin kale oo qiyaas ahaan loo barbar dhigay isaga kaadidiisa laga helay 6.7 Millibecquerels (mBq) oo keliya.

Waxa aanay khubaradu aaminsanyihiin in xaddiga maadadda polonium ee toddoba sano kadib heerkan maraya macnaheedu yahay in markii uu Carafaat dhimanayey oo ahayd dabayaaqada sannadkii 2004-ta ay maraysay xaddi aan qiyaas lagu garan karin badni darteed. La soco…