Idaacadda Cusub Ee Radio Hargeysa Oo Hawsheeda La Bilaabay

0
609

on-airHargaysa( Geeska )- Laba injineer oo u dhashay dalka Shiinaha oo rakibiya idaacada cusub ee Radio Hargeysa, ayaa si rasmiya u  bilaabay rakibaada idaacadii dhawaanahanba la sugayay.

Waxaanay injineeradan ay daboolka ka qaadeen in rakibaada idaacadu cusubi ay ku dhamaan doonto  40 maalmood, idaacadan oo ah 100-KW ayaa ah mid wada gaadhi doonta wadamada Geeska Afrika.

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf  oo ka hadlay bilaabitaanka rakibaada idaacada cusub ee Radio Hargaysa, ayaa sheegay in ay tahay mid wada gaadhi doonta dalalka manadaqadan aynu ku naalo ee Geeska afrika, waxaanu ku nuxnuxsaday in shacbiga reer Somaaliland ay si waafiya u wada dhagaysan doonaan idaacada cusub.

Idaacada cusub ee masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta in muddo ahba ku hawlanaayeen rakibaadeeda ayaa noqonaysa idaacada laga dhagaysto dalka iyo dibadaba, sidaa oo kale dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa si weyn u naawilaya maqalka idaacada cusub ee Radio Hargeysa.