Xuuto Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Noqday Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI

0
524

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbigaa u Magacaabay Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo hore u ahaa Guddoomiyihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Xuuto oo markii hore u taagnaa musharax golaha wakiilada ah, ayaa sheegay in ay ku cuslaatay in uu hankiisa musharaxnimo sii wato, maadaama oo musharraxii ay isku sidkanaayeen uu ka tanaasulay musharaxnimadiisii “Maadaama oo reer walba laga rabay in ay keenaan laba musharax oo isku sidkan oo u kala sharaxan golaha deegaanka iyo wakiillada, musharixii aanu wada soconayna ka tanaasulay musharaxnimadisii waxa igu adkatay in aan sii wado” ayuu yidhi Xuuto, waxaanu intaa ku daray “Ka dibna waxaanu xisbiga isku afgaranay in aan noqdo Xoghayaha Warfaafinta, halkaasi oo aan ka sii wadi karo hankayga siyaasadeed..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office