WADDANI Oo Sheegay Inay Jiraan Tuhuno Ah In Rabo Dib U Dhac Ku Yimaadda Doorashada Madaxtooyada & In Xisbiyada Mucaaradka Ruqsadda Laga Rido

0
623

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde , ayaa sharci-daro ku tilmaamay in la soo koobo muddada jiritaanka Axsaabta, xilli Goluhu ka tirsan yahay uu hor yaallo Xeerka furista Urur Siyaasadeedka oo wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyay, waxaanu tilmaamay inay soo baxayaan tuhuno muujinaya in la rabo dib u dhac ku yimaadda Doorashada Madaxtooyada.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde wuxuu yidhi isagoo ka hadlay arintan “Bishii afraad ee sannadkan ayeynu ku jirnaa, sanadkana siddeed bilood ayaa ka hadhay, sannad kalena ku dar, waa sannad iyo siddeed bilood, falaadh inagu taagan oo la leeyahay iska siiba ma fadhiisan kartaana ma jirto, Doorashada Madaxweynaha waxaa ka dambaysa mudada ruqsadda Asxaabta, bil bay ka dambaysaa, ka hor dhici mayso, durba waxaa jira dareeno dhashay oo la leeyahay waxaa loo gogol xaadhayaa in Doorashada Madaxweynaha in dib loo dhigo, haddii ay taasi dhacdana Labada Xisbiba way ka dhammaanaysaa ruqsaddii, kama qayb gali karaan Doorashada Madaxweynaha, Rag badan baa qaba waxaa loo ham iyo dig leeyahay in Axsaabtani aanay ka qayb-galin Doorashada Madaxweynaha, haddii aanay jaran-jarada ka boodin, Saddexda Xisbi intay ka dhammaanayso waa Axsaab qaran, uma baahna in la yidhaahdo waxaad tihiin Axsaab ku meel gaadh ah, iyagu sideedooda ayey ahaanaayeen, ee lixda bilood ee ka horeeysa waxaa la bilaabaya abaabulkii Ururada iyaga wax u taala maaha, markaas si alaale si loo soo gaabin karo tobankaas sanno ee axsaabta u furan ama daaqad ha laga soo galo ama dhulka hoostiisa ha laga soo fuuree ma jirto, lama yarayn karo, yaan la isku ceebaysanin saraaxada”

Dhanka kale, wuxuu ku taliyey in maadaama wakhti koobani u hadhay Golaha Wakiillada inay gabi ahaanba Xeerkan faraha ka qaadaan oo Golaha ka dambeeya ay u daayaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office