Xuska iyo Xasuustii Marxumad Maryan Cali Ducale

302
24432

W/Q Rooda Maxamuud Karaani, London, UK

Alle haw naxariiste waxa toddobaadkii hore 25/6/2018 magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyootay Marxuumad Maryan Cali Ducaale (Maryan Cali-madoobe).

Marxuumad Maryan waxay ahayd qof caan ku ah samo-falka iyo caawinta dadka tabaalaysan, waxaanay madax u ahayd ururo ka dhisan Ingiriiska oo ah ururo gargaar ah oo caawiya dadka tabaalaysan.

Maryan waxay madax ka ahayd labada urur ee SAMAWADE iyo SAAFI oo ah ururo bulsho oo ay ku bahoobeen hablaha Ingiriiska degen, kuwaas oo dadkooda tabaalaysan ee dalka gudihiisa ku nool soo caawiya. Alle haw naxariiste marxuumad Maryan farriintii u dambaysay oo ay duubtay 8 May 2018 oo ay ugu talo gashay hablaha ku bahoobay labadan urur, waxa ay kula dardaarantay inaanay marna joojin shaqada samo-falka ah ee labadan urur si loo caawiyo walaalaha tabaalaysan.

Ururka SAMAWADE, mashaariicda uu sannadihii u dambeeyay dhaqaalahooda bixiyay, oo uu intooda badan u soo wakiishay in dalada Waab Qurux fuliso waxa ka mid ah:

Maal gelinta iyo joogtaynta tartanka quraanka kariimka ah ee bisha Ramadan ee Gobolka Hawd  sannadood ee u dambeeye lagu qabanayey, waxaanay hadyado kala duwan la guddoonsiiyaa dhallinyarada guulaysta.

Ka qaybgalka gurmadkii abaaraha oo ay maaliyaddii ugu badnayd bixiyeen ururka SAMAWADE

Maal gelinta 300 oo beerood oo ku yaala degaanka gobolka Hawd oo aan cidi ugu iman ururka SAMAWADE. Beertiba 60 daqiiqadood oo cagaf ah ayaa loo kireeyey oo u xagaafta dan yarta si ay uga soo kabtaan abaarihii ku habsaday.

Ka ololeynta biyo u soo saarista Balligubadleh oo ay maaliyadii ugu badnayd ee urur keligii ku bixiyo

Iftiimi xaafadaada oo ay ku dartay oo ay lacagtii u badnayd ee urur keliya bixiyo ka dhigtay SAMAWADE.

Marxuumad Maryan Cali Madoobe waxay magaalada Hargeysa ku dhalatay 24 December 1958, waxaanay waxbarashadeedii hoose, dhexe iyo sare ku qaadatay dugsigii caanka ah ee Farasmada xafiisyada ee (Clerical training centre CTC) ee magaalada Hargeysa. Shaqadeedii u horaysay waxay ka qabatay xafiiskii agaasimaha guud ee wasaaraddii caafimaadka ee Muqdisho  ku yaalay, waxaanay isla sannad gudihii loo qaatay qaybta maamulka ee WHO ay ku lahayd wasaaradii caafimaad ee dalkii Soomaaliya oo ay joogtay ilaa sannadkii 1983. Marxuumadu waxay markii dambe shaqo u tagtay dalka UAE oo ay joogtay sanad iyo badh, markii dambena waxay tagtay magaalada London ee dalka Ingiriiska sannadkii 1985 oo ay waxbarasho u doonatay.

Wixii intaas ka dambeeyay Marxuumad Maryan waxay ka qayb qaadatay halgankii SNM, iyadoo ka mid ahayd hablihii dhallinyarada ee ahaa ee xoogooda iyo xoolahooda u huray dib u xoraynta Somaliland.

Marxuumad Maryan oo ahayd qof aad u wanaagsan, naxariis badan, Alle ka cabsi badan oo cibaado badan ka hor geeridiida waxay sannadkan soo gudatay waajibaadka Cimrada, waxay ifka kaga tagtay saddex carruur ah oo kala ah Suhuur, Sareedo iyo Warsame-Guleed Zakariye oo carruur baariya ah.

Alle haw naxariisto walaashay Maryan Cali Ducaale, oo ahayd hooyo intii ay ifka joogtay gudatay waajibaadkeedii, Alle waxaan uga baryayaa dambi dhaaf iyo inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, Samir iyo iimaana waxaan leeyahay dhammaan qoyska reer Cali Ducaale Seed, carruurta iyo anaga iyo ururada SAMAWADE iyo SAAFI waxaan Alle uga  baryayaa inuu Samir iyo iimaan naga siiyo. Aamiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here