Shirkadda DP World Oo Sheegtay Inay Itoobiya Ka Samaynayso Xarun Weyn Oo Sii Qaybisa Alaabta Ka Soo Degta Dekedda Berbera

26
3351

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda DP world ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Berbera, ayaa sheegtay inay wadanka Itoobiya ka samaynayso xarun la geeyo badeecadaha iyo alaabooyinka ka soo dega dekedda Berbera si ay xaruntaas Itoobiya ugu sii gudbiso dalalka kale ee Afrika ee aan dekedda lahayn. Sidaas waxa ku dhawaaqay agaasimaha guud ee shirkadda DP world Sultan bin Sulayem oo shalay ka hadlayay shir ka qabsoomay magaalada Dubai oo ay ka qayb galeen ganacsato, iyo maaglashadayaal ka soo kala jeeda dalal badan.

Mr. Suleyman, ayaa sheegay inuu doonayo in dekedda Berbera ay isticmaalaan dalalka Afrika ee aan dekedaha la hayn. “Waxaanu qorshaynaynaa inaanu Itoobiya ka samayno xarun weyn oo noqota meel ay badeecaduhu ku kala gudbaan ilaa dekedda ilaa halkaas, ugana sii gudbaan dalalka kale ee Afrika ee aan dekedaha lahayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay in dalalka Afrika ee aan dekedaha lahayni ay isticmaali karaan kana faa’iidaysan karaan dekedda Berbera, “Waxa lanoo sheegay in kharashka gaadiidku uu weli qaali yahay wadamadan, waxaanay tani nagu qasabtay inaanu keeno xal lagu yaraynayo kharashka oo aanu gaadiidka badda iyo barigaba ka dhigno kuwo la heli karo. Waxay tani caawiynaysaa ganacsatada Dubai oo tusaale ahaan markabku wuxuu ganacsigooda kaga soo qaadayaa India qiime jaban. Waxaanu sidoo kale dib u eegaynaa qiimaha dejinta si aanu u hubino inay mar walba yihiin wax la aqbali karo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here