Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,
Gebgebteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,
Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’
Gud-gude, Hadraawi, 1990kii
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 1aad
8/10/2015ka, Hargeysa
Hordhac:
Giblo iyo mashxarad…Gelbis iyo ciyaar….Gardaadinta guul ku timid xinjiro gobo’ yidhi iyo nafo ku go’ay goobo sharafeed……Xuska geesiyaal u shahiiday geyi dadkii ku uummanaa gumeysi ku habsaday…..Gallad iyo abaal intii halganka guddoonsatay….Intii gabannadoodii u soo xidhay ee u sadqeysay…..Intii u gurmatay…..Intii garab iyo gaashaanba u noqotay……Intii guunyada u hurtay…….Intii gumuca iyo gasiinkaba aan ka hagran…….Intii gunnaysay…..Intii gargaartay…..Intii aan gabban ee ka badheedhay…..Intii ka gabayday…..Intii ka geeraartay…..Intii guubaabo iyo goohba la soognayd….Intii gudaha ku sugnayd…..Inti qurbaha ku go’doonsanayd……Intii geela raacaysay……Intii gasiinka beeraysay…….Dheddiggii gurmaday….Lab gadoodsanaa…..Gurbood ciillanaa….Gidhligaanka yeedhay iyo Fiintii gama’ diidday…..Galowgii eedaamay…..Guryo ba’ay iyo gaasaskii le’day ee gamaska loo dhiigeeyay….
Xuska maalin sharfan oo si qiimo iyo qaddarinba leh ugu xardhan bogagga taariikhda ma-guuraanka ah. Xusuusta geesiyaal naftoodii u sadqeeyay dibuxoreynta dal iyo dad gumeysi aan meel fog ka imani ku habsaday.
Waa maalmihii loo iilan jiray hal-abuurkii gobannimo-doonka iyo suugaanta aan duugoobin ee xariirta ah. Aynu tuducyo ka soo qaadanno heestii caan-baxday ee Cali Sugulle Dun-carbeed ee uu Jabuuti u tiriyay 19/3/1967kii oo aynu kor u nidhaahno:
"Waa baa beryay,
Arooryo baxsan,
Maalin bokhran,"
Aynu raacinno:
"Kuwii bilaabee,
Dabkan baxaaya,
Belelinaayay,
Waa baayadooda,
Kuwii ka beydhee,
Bahdood ka leexdee,
Boqonta gooyay,
Waa baaba'ooda"
Waa sadarro aad iyo aad u kooban oo aan xus iyo xusuusba uga dhigayo intii u shahiidday, intii u dhaawacantay, intii u darxumootay iyo intii ka gilgilatay xasuuqii ummaddan loo geystay maalmo aan sidaa u sii fogayn oo ay u muuqato in durba la illoobay. Waa sadarro aad u kooban oo ina xusuusinaya xanaftii iyo xanuunkii loo soo maray qarannimadan heego-dhacday ee ay milgihii iyo maamuuskiiba ka xayuubisay xukuumaddan xilalkaba u haysata in hantida qaranka la xaraasho. Waa sadarro kooban oo is-barbar-dhigaya ama aad ka halacsan kartaba jiidaasha loo soo maray xoreynta Somaliland, sida ay uga qatan yihiin kuwii naftooda u huray iyo sida ay ugu irmaan tahay in aan u aroorin oo aan u oodini. Waa sidii uu Timacadde u yidhi:
"Danbarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamay,"
Waa 31-guuradii ka soo wareegtay maalintii la isku haleelay Burco-duurrey 17/10/1984kii. Waa 31-Guuradii Maxamed Xaashi Diiriye, “Lixle” iyo geesiyaashii la shahiiday maalintaa ee Burco-duurrey iyo Lafta Ceelka Reer Xasan ka dagaal galay. Waa 31-Guuradii maalintii ugu shuhadada badnayd halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Maalintaa waxa shahiiday ciidan dhammaa 57 shahiid oo ku kala qudh-baxay laba goobood oo la isku haleelay: Burco-duurrey iyo dagaalkii dhabar-jebinta ahaa ee Lafta Ceelka Reer Xasan. 26 Mujaahid waxay ku shahiideen dagaalkii dhabarka, 31na waxay ku shahiideen Burco-duurrey. Dagaalladaas oo dhacay 17kii Oktoobar 1984kii oo maalin Arbaca ahayd markii hore Burco-duurrey waxa laga soo qaaday 29 shahiid, subaxnimadii Khamiistiina waxa la keenay Rabaso meydkii shahiid Lixle iyo Mubaarak Axmed oo loo yaqaannay ‘Hadhuudho’. Sidaas ayaa Rabaso loogu aasay maalintaa 57 shahiid. Waa 31-Guuradii maalintii Rabaso lagu aasay shuhadadii ugu badnayd ee maalin qudh ah wada shahiidda. Sidaas ayay ku noqotay maalintan amran ee sharfani ee lagu suntaday maalintii shihadada SNM.
Maalmuhu iskuma jiraan e', waa 31-Guuro. Kow iyo soddon guurooyinkuna iskuma jiraane, waa kow iyo soddon guuradii maalinta shuhadada ee SNM. Wixii laga soo dagaallamay nin rag ahi waa og yahay, doqonna loo sheegi maayo. Dalka iyo dadka midna ma goblamin mana gamashiyin. Guddoonka, gadoodka iyo geesinnimaduba waa halkoodii. Haddii maanta uu dalka ka muuqdo saan-saankii laga soo dagaallamay, waxa noo jaxaasan tuducyadii Mujaahid Macallin Gaarriye ee ahaa:
"Geeddiga hakaday,
Wuu gaabiyee,
Uma noqon gadaal,"
Yahaaburrada hamaansanaya ee ay hammigooda la tahay dal iyo dadba waad raamsan doontaan, waxaanu leenahay hunguri wed ma arko. Dalku ma dad la'a, dareenkuna kama dhiman. Sow tii uu Ibraahin-gadhle nagula dardaarmay 6dii Abriil, 1990kii maansadiisii Dir-sooc:
"Faraskuna ma daallana,
Sidaan doorarkii hore,
Duullimaadka ugu galay,
Kaba sii dur-duro dheer,
Daabki waranka kama jabin,
Wax siduu u dili jiray,
Kaba sii dar-dara-kulul,
Dantu seexo ima odhan,
Siday ii diraysay,
Weli ii ducduucdaa,"
Mujaahid Yuusf Meydal Cumar oo dagaalkaa Burco-duurrey ka qayb-galay kuna dhaawacmay goobtaa oo ka jawaabayay su’aal ahayd: ‘Waagu side ayuu idiin ku beryay subaxdaa, mar aan ku wareystay Xarunta VTC-da Sooyaal 15/10/1997kii ayaa iigu jawaabay:
“Subaxaa waagu wuxu noogu beryay fasal wanaagsan oo aanu filaynay in weliba cadawguna na soo weeraro.”
Waa qalbi-samaantii iyo niyad-adayggii Mujaahidiinta. Dagaalkaa badnaa. Siyaabaha la isu hirdiyay ama foodda la isu daray ayaa badnayd. Hubka iyo ciidanka waxa dheeraa ka nafsiga ah iyo ka saykoolojiga ah. Wax waliba sidaad ka dhigato ayuu ahaa. Haweenkii Hargeysa ka qaxayayba, dayuuradihii nidaamkii Siyaadkii Barre u yaqaannay Hawkar iyo Miig, waxay u yaqaanneen Caasha biyo sida oo cidiba waxba iskagama tirin jirin.
Bal hadda aynu ku noqonno mudaakaradii Yuusuf Meydal Cumar. Markanna waxaan maalintaa weydiiyay:
Miyaad ka war-qabteen cadawga?
(La soco Sabtida, haddii Eebbe idmo)