Dhakhtar Uu Xasan Sheekh Adeer U Yahay Oo Muqdisho Lagu Dilay Iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay

0
552

Picture3Magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, gaar ahaan  degmada Wadajir waxaa shalay lagu dilay dhaqtar ay qaraabo ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya oo la odhan jiray Liibaan Cismaan Cilmi. Liibaan waxaa adeer u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Rag hubaysan oo gaadhi wata ayaa gaadhigiisa ku hor gooyay gaadhi kadibna rasaas ku furay.

Waxaa dhaqtartka la dhintay nin sharci yaqaan ah oo la yidhaahdo Cabdulqaadir Maxamed Yabarow. Wuxuu u shaqaynayay Wasaarada Cadaalada ee dawladda Somaliya. Al-shabaab ayaa sheegatay dilka dhaqtarka iyo sharciyaqaanka.

Dhinaca kale, qarax ka dhacay meel ay fariisan ku leeyihiin ciidamada Soomaaliya ee xaafada suuqa xoolaha ee degmada Afgooye ee Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay hal askari saddex rayid ahna way ku dhaawacmeen.