Hargeysa (Geeska) – Xuska sanad guuradii 15-aad ee ka soo wareegtay maalinta loo asteeyey maalinta saxaafadda Somaliland oo sanad kasta loo dabaaldego bisha November 9-keedda, ayaa shalay qabtay Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland
Saxaafadda Somaliland ayaa maalintan isku raacday inay noqoto maalinta saxaafada Somaliland oo ah maalintii uu geeriyooday Suxufigii hirgaliyey saxaafada madaxa banaan Maxamuud Cabdi Shide oo dalka ka hirgaliyey jaraa’idka casriga ah, isla markaana hanti badan galiyey sidii warbaahin madax banaan loo hirgelin lahaa.
Munaasibadda loogu dabaaldegayey maalinta saxaafada Somaliland ayaa lagu xusay hoteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay xisbiyad mucaaradka, wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse iyo suxufiyiin faro badan.
Guddoomiyaha ururka saxaafada SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa ka sheekeeyey carqaladaha warbaahinta hortaagan iyo sidii looga hortagi lahaa xeerka saxaafadda ee lagu cabudhinayo warbaahinta madaxa banaan, sidoo kale, waxa uu xusay in siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwo muxaafadka ahba aan la kala jeclaysan.
Musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Afhayeenka xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan Cali Koore oo ka socday Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland iyo siyaasiyiin kale oo dhamaantoodbaa warbaahinta ku hambalyey horumarka ay gaadhay iyo sanad guuradii 15aad ee ka soo wareegtay xuska maalinta saxaafada madaxa banaan ee Somaliland.Sidoo kale, waxay si adag uga hor yimaadeen xeerka ay xukuumadu dabadda ka riixayso ee ka hor imanaya madaxa banaanidda xoriyatul qawlka Somaliland “Kali-talisnimada maaha askar talada la wareegta uun sidii Adeerkay Maxamed Siyaad Bare oo kale, laakiin kalitalinimaddu waa qofka oo loo diido in uu Ra’yigiisa u madaxa banaanaado, inuu hadli kari waayo, Madaxweynaha oo diida in tallo la siiyo iyo in la cabudhiyo xoriyatul Qawlka iyo wuxuu aaminsanyahay ayaa loo yaqaan kaligii taliye ”ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah madasha wadatashiga iyo toosina Somaliland.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay ruug cadaayaasha warbaahinta oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Ducaale, Xuseen Cali Nuur, Cabdilaahi Wayab iyo Faysal Cali Sheekh oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee saxaafada Somaliland soo martay iyo sababta maalintan loogu doortay inay noqoto maalinta saxaafada Somaliland, wallow ay jirtay maalintii ugu horaysay ee wariyeyaal farobadan hal mar la wada xidhay oo ahayd bishii june 1993 kii, haseyeeshee maalintan loo doortay markii uu dhintay halyeygii saxaafadda Somaliland ee warbaahinta casriga ah dalka ka hirgaliyey.
Wasiir warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in maalintan oo kale ay ahayd in laga hadlo taariikhdii warbaahinta Somaliland soo martay iyo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta, waxaanu warbaahinta u soo jeediyey in aanay waxba ka qorin siyaasiyiinta cadhaysan iyo kuwo xil doonka ah ee hadalladda aan munaasibka ahayn ku hadla, isla markaana mararka qaarkood qaranimada wax ka sheegaya.
Sidoo kale, wuxuu xusay in loo baahan yahay in xeer raali laga wada yahay la sameeyo, isla markaana la isku yimaado warbaahinta, ururada bulshada, ururada qareenadda Somaliland, ururada xuquuqul iinsaanka iyo culimadda si loo sameeyo xeer saxaafadda lagu hago si aanu qof kasta waxa uu doono u qorin, isla markaana lagu kala badbaado “Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay xilal sare u magacowday wariyeyaal, isla markaana Madaxweynaha kama suurowdo inay cabudhiyaan warbaahinta, laakiin waa loo hiilinayaa si mustaqbalka warbaahinta madaxa banaan u sii jiri karto ”ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse.
Comments are closed.