Xukuumadda Iyo Safiirka Itoobiya U Fadhiya Hargeysa Oo Ka Wada Hadlay Hakinta Fiisooyinka

27
559

Picture7Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababaha safaaradda dawladda Itoobiya ku leedahay Magaalada Hargeysa u joojisay inay Muwaadiniinta u safraya Itoobiya u fiisayso Baasaaboorada.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay inay safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ka wadahadleen sababta loo joojiyey fiisaynta Baasaaboorada ay sitaan muwaadiniinta reer Somaliland ee u safraya dalka Itoobiya, waxaanu sheegay in aanay safaaraddu joojin fiisaynta Baasaaboorada, balse sababo amaan awgeed loo hakiyey maadaama buu yidhi bisha soo socota Magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya lagu qabanayo xuska Maalinta qoomiyaha Itoobiya.

Wasiir Biixi oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Waxaan halkan kula jiray safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya Magaalada Hargeysa, waad la socotaan waxa la yar joojiyey Fiisooyinkii (Fiisooyinka Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa), fiisooyinkana waxa loo joojiyey xaflad weyn oo bisha soo socota ka dhacaysa Magaalada Jigjiga”

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay “Haddii aad tihiin saxaafadda waxaanu idinka codsanayaa inaad warka saxda dadka gaadhsiisaan, warka saxda ahi waxa weeyaan dadka u baahan foosiiyoonka sida ardayda deeqda waxbarasho (helay), ama dadka caafimaadka u tagaya Itoobiya ama wax deg-deg ahi jiro ama dawladda ka socda, wax dhibaato ahi kama taagna”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa Mudada yar ee arrinka weyni ka socdo Jigjiga waa inaynu Fahanno hakiskaa oo wixii aan muhiim ahayn la yar sugo, sidaa ayaanu isla garanay (Safiirka Itoobiya), laakiin wixii muhiim ah ee loo baahan yahay waxaanu diyaar u nahay inaanu taageerno oo aanu warqadna u qorno, laakiin maadaama oo xaflad aad iyo aad u weyni u soo socota waa inaynu amaanka ka wada shaqeyno, sidaasna aynu u fahanno, waayo nabadgalyadu waa muhiim”

Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, oo sii hadlaya ayaa sheegay inay safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya u sheegeen in aanay dadka baasaaboorada aan ka Somaliland sidan u fiisaynin, taana uu safiirku ka garowsaday “Waanu u sheegnay dadka baasaaboorada kale sitaa haddii aanay sidan deganaanshihii Somaliland aanay fiiso siinin, wayna naga garowsadeen, Markaa waxaanu doonaynaa in dadka loo sheego Itoobiya iyo Somaliland waa laba dal oo walaalo ah”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waad la socotaan waxa yimid Wasiirro ka socda Kililka shanaad, waxaanu ka wadahadalnay sidii loo adkayn lahaa ilaaqaadka iyo xagga nabadgalyada, Itoobiya iyo Somaliland-na waa laba waddan oo jaar ah, waa laba waddan oo ilaaqaad weyni ka dhexeeyo, waana inaynu ka shaqeyno sidii loo kobcin lahaa (ilaaqaadka) oo laga dhaafo warka beenta ah ee laga sheegayo ama dadka warka khaldan bixinaya ee odhanaya Itoobiya way inoo diiday Fiisihii oo kuwii Xamar ayay siisay, wax ka jiraa ma jiraan warkaasi”

Comments are closed.