Xuseen Axmed Caydiid Oo Is Barbar-Dhigay Xaaladda Uu Dalka Somaliland Maanta Marayo Iyo Xaaladii Caanka Ahayd Ee China Marayay 1966-76

0
612

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid oo hadda ka tirsan madaxda xisbiga Waddani, horena u ahaa wasiirkii cadaaladda ee is casilay, ayaa sheegay inay Somaliland marayso meel uu dalka China marayay sannadihii 1966-1977 oo ay China xukumayeen koox caan ahayd oo loo yaqaanay budhcadii afarta ahayd. “The gang of four”.

Xuseen Axmed Caydiid, oo markii golaha baarlamaanku ansixiyeen in saldhig Imaaraadka Carabta laga siiyo Berbera, saxaafadda la hadlay wuxuu yidhi “Dal-weynaha Shinaha (People's Republic of China) berigii uu xukumi jirey ninkii la odhan jirey Mao Tse Tung ee ahaa Guddoomiyihii Xisbigii Shuuciga ahaa ee China, siiba 10kii sannadood ee u dambeeyey noloshii Guddoomiye Mao Tse Tung (1966-1976) kuna beegnaa marxaladihii dambe ee wixii ay ugu yeedheen "Is-beddelkii Dhaqanka" waxa taladii dalkaasi u gacan-gashay koox afar ah oo ka koobnayd xaaskii Mao Tse Tung ee la odhan jirey Jiang Qing, iyo saddex nin oo la kala odhan jirey Zhang Chunqiao, Yao Wenyuan iyo Wang Hongwen. Sannadaha ay kooxdaasi talada dalka maroorsiga ku haysatey, waxa dalka China ka dhacay majaro-habow aad u weyn, xad-gudubyo aan la qiyaasi karin iyo hanti-boob.

Kooxdaasi iyo nin janan ahaa oo la odhan jirey Lin Biao (oo isagu Mao ka geeri-horreeyey) ayaa loo aaneeyey in ay mas'uul ka ahaayeen qaskii siyaasadeed ee dalkaa ka dhacay tobankaa sannadood.

Markii uu Mao Tse Tung dhintay 1976, kooxdaasi waa la qabqabtay, waxa la saaray maxkamad, waxaana lagu xukumay xabsi noloshooda inta ka hadhay. Qabqabasha iyo maxkamadaynta kooxdaa aad baa dalka China looga soo dhaweeyey oo looga dammaashaaday, waxaanay qisadaa "Gang of Four" ay dunida oo dhan ka noqotay mid caan ah. Halkaas ayaa majare-habawgii siyaasadeed lagu soo af-jaray oo dalka Shiinaha uu ka bilaabmay horumarka layaabka leh ee uu gaadhay.”

Isagoo shacabka la hadlaya wuxuu yidhi “Haddaba tolow dadkii 1976 wax kala garanayey ee arrintaa wararka caalamka kala socdey iyo dadka taariikhaha dalalka caalamka wax ka akhriya ee reer Somaliland intay beryahan maskaxdooda dib ugu soo dhacday qisadaasi?

Xuseen Axmed Caydiid, wuxuu shacabka iyo taageerayaashii madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay u gurmadaan Madaxweyne Siilaanyo “Odaygii lama hayo, odaygii afar layn ayuu akhriyayaa, waar umadii haka war doonto oo sheekh iyo shariif, umadii wax garanaysay ee odayga dooratay ee madaxweynaha u arkaysay ee ixtiraamka uu mudanyahay inaynu wad asiino ay wada ahayd, bal odaygii aan ka war doono. Dalkii bar madoow ayaa fuushay, yididiiladaan ka lahayn madaxbanaanina maantay luntay.”

Xuseen Axmed Caydiid, wuxuu sheegay inaanu jirin heshiis rasmi ah oo ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu, balse uu yahay waxa la wada galay xaqul qalin.