“Xuquuqd Awdal Ka Maqan Yaanay Is Moodin Inay Keligood Ka Maqan Tahay Ee Somaliland Oo Dhan…….”

0
524

7676575675Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa amaan u soo jeediyey Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka ka soo jeeda Gobolka Awdal, oo uu sheegay in aanay la socon Suldaan Wabar, waxaanu tilmaamay in Salaadiinta Gobolka Awdal ay ahaayeen kuwii gogosha u fidiyey Somaliland.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa sidoo kale sheegay in Suldaan Wabar xilkii Suldaanimo ee loo doortay aanu ka soo bixin, isla markaana wax qaranimada Somaliland ka soo horjeeda iyo fidno uu ka dhex wado dalka.

Suldaanka guud ee Somaliland oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay tabashada reer Awdal, “Suldaanka waa Nin Nabadgelyo oo ILLAAHAY u diray umadda, laakiin haddii uu Ninku badheedhihiisa Telefishanka ka sii daayey, oo uu Somaliland dhexdeeda ka wado fidno ah in lagu kala tago,oo la isku nacayo, maaha wixii loo doortay ee Magaca loo saaray, Salaadiinta reer Awdalna lama qabaan, oo wali wax ku raacsan waxa uu ku hadlayo wali maan arag, Magaca Wabar waxa la baxa reer Koonfureedka, oo waxa aynu inagu dhaqan u leenahay maaha, Suldaan iyo Wabarna laba darajo ayey kala yihiin, ee waxa aan leeyahay  Ninkaas Wabarka ah kalsoonidii reerkaaga ma haysatid,  waxaan leeyahay markaas haddii aad tahay Madax-dhaqameed wanaag wax ku doon, oo dadka si wanaagsan u wareyso, laakiin haddii aad tidhaahdo Dagaal ayaan oogaya oo Buuraha ayaan galayaa, Madaxda Awdal iyo Salel, midna kamaan maqal kalmad ay kugu raacsan yihiin”.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir isaga oo hadalkiisi sii wata waxa uu yidhi “Xuquuqda reer Awdal ka maqan yaanay is moodin inay keligood ka maqan tahay ee Somaliland oo dhan xuquuq ayaa ka maqan, oo hadba sida lagu hagaajin karo waa lagu hagaajinaya, oo Ninba maalintiisa waa la eegaya, Ninkii waxqabad la yimaadana Taariikhda ayaa  xusaysa, Ninkii la iman waayana Taariikhda ayaa xusaysa”.

Suldaan Maxamed Cabdiiqaadir mar uu baaq u diraayey Bulshada reer Somaliland ayaa yidhi “Bulshada reer Somaliland waxa aan ugu baaqaya inay Nabadgeliyadooda ilaashadan, oo isku duubnidii iyo midnimadii Booorama lagu saxeexay cidii ka hor timaada inay ka hor yimadaan,oo dhan ka wada ahaadan, haddii la jabiyo Heshiiskii Boorama lagu saxeexay, wax fudud maaha, Gogosha cidii dhigtay reer Awdal ayey ahaayeen, ee Taariikhda iyo Magacii aad u sameeyseen Umadda reer Somaliland cidii dhaawacaysa, waxna yeelaysa waxa aan odhan lahaa meel uga soo wada jeesta”

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir mar uu Xukuumadda baaq u diraayey waxa uu yidhi “Xukuumadda waxa aan leeyahay Beeliba Maalin ayey caddeyn doonta tabashadeeda, laakiin cida jawaabta saxda ah siin kartaa waa Xukuumadda, oo markaas tabashooyinku wey iska jiraan, tabasho badana waa la sheeganaya, oo Beel caddeysanaysa iyo Beel is leh wakhti kale la sug, intuba Somaliland wey ku jiraan,waxaan se leeyahay oo aan jecel ahay in Umaddu waxa ay tabanayso wakhtiga la dhameeyn karo lagu dhameeyo, oo la ilaaliyo wakhtigaas”

Suldaanka Guud ee Somaliland mar uu ka hadlay Doorashooyinka ayaa yidhi “Walaahi haddii ay Doorashadu inoo qabsoonto isbedel weyn ayaa imanaya , cida faalaynaysa ee leh Doorasho dhici mayso, xaqiiqda ma sheegi karto, Maamul ayeynu dhisanay, Maamulkaasi haddii uu ku dhawaaqo oo uu yidhaahdo Doorasho ma dhici karto oo ifafalaheedii lama hayo, in markaas laga wada tashado wixii laga yeeli lahaa ayaa meesha taala”.

Suldaan Maxamed isaga oo hadalkiis sii wato ayaa yidhi “Qof waliba waxa uu leeyahay Maalin ILLAAHAY maalin uu xilka Umadda uu saarayo, oo Maalinta uu ILLAAHAY xilkaas u dhamaystiro in qofka lagaga masuugo XIlka maaha, inagu waxa aynu u baahan ahay inaynu Umaddeena kala badbaadino oo fikir ku kala badbaadino, oo cidii khaldana waxa u runta u sheegno, cidii wax kale wadana la yidhaahdo wakhtigaaga sug, blasé is barbar yaaco khilaafkiisi ayuu leeyahay, oo khilaaf ayaa ka dhalan kara, Umadda reer Somaliland khilaaf uma baahna Maanta, oo waayo marka laga soo bilaabo ilaa iyo 1960-kii ilaa Maanta wax badan oo aynu korodhsanay ma jirto, wax badana wey ina dhaafeen, wax walbana waxa ay inagu dhaafayaan inta ay Umaddu murmayso, waxaan leeyahay markaas Umadda reer Somaliland mid Muxaafid ah iyo mid Mucaarad ahiba, meel ka soo wada jeesta, oo oo Mucaaradnimaduna halka wanaagsan ha u badato, iyo toosinta, Muxaafidkuna waxqabadkiisa Umadda ha u bandhigo”.

Suldaan Maxamed ayaa mar uu ka hadlaayey Cadaalada  ayaa yidhi “Cadaalada iyo Sinaanta ha la ogaado iyo haddii Shaqooyinka Dawladda tahayba, laakiin haddii Awrka dhan laga raro waa dhibaato, dhan Awr ka rarinina  waxa aan odhan lahaa Madaxda Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, ha ka fiirsato, oo Xukuumaddu Umadda ha u cadaalad fasho, laakiin hebel ayaa I  dhisayaa oo i taageerayey meeshu kuma socon karto ee waxa aynu SIyaad Barre kaga cararaynay waxa ay ahayd Cadaalald daro”.