Somaliya Oo La Sugayo In La Magacaabo Golaha Wasiirada Ee Cusub

0
475

Muqdisho(Geeska)-Raysalwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, ayaa la filayaa inuu magacaabo golihiisa cusub ee xukuumadda.

Waxaa soo baxaya in weli ay dood xoogani ka taagan tahay qaar kamid ah Wasiirada cusub oo la sheegayo in raysalwasaaruhu  diiday in uu ku daro xukuumada cusub, balse uu si weyn ugu doodayo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo codsaday in qaar kamid ah Wasiiradii xukuumadihii hore lagu soo daro Golaha Wasiirada.

Illaa iyo hada waxaa socda wadahadalka Madaxweynaha Somaliya iyo Raysalwasaaraha, waxaana sidoo kale la sheegay inay barbar socdaan wadahadalo u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Xildhibaanada, sidoo kalena Cumar ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Xubnaha sida weyn loo hadal hayo inay soo noqdaan ayaa waxaa kamid ah Xussen Xalane oo xukuumadii dhacday kasoo ahaa Wasiirka Maaaliyadda. Xalane oo kamid ah ragga sida weyn ugu dhaw dhaw Madaxweynaha ayaa hore loogu waday in Raysalwasaare loo magacaabo, balse arrintaasi oo la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu markii danbe go’aansaday inuu Cumar Cabdirashiid magacaabo kadib cadaadis kaga yimid dhanka Beesha Caalamka. Waxa uu khilaafka adagi ka taaganyahay Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ah gacanta midig ee Madaxweynaha oo la sheegayo in raysalwasaaruhu diidanyahay inuu golaha cusub ku soo daro halka uu Xasan Sheekh doonayo inuu doonayo inuu ka mid noqdo golaha wasiirada.