Xuquuqal Insaanka Oo Somcable Ugu Baaqay Inay Xayiraadda Ka Qaado Shabakadda Hadhwanaag

0
601

Hargeysa(Geeska)-Xarunta xuquuqal insaanka ee Somaliland, ayaa shirkadda Somcable iyo shirkadda Somtel ugu baaqday inay xayiraadda dhinaca Internetka ah ka qaado shabakadda wararka ee Hadhwanaag oo ah shabakada ugu balaadhan shabakadaha faafiya wararka Somaliland.

1

Shirkadda Somcable ayaa hawada ka saartay shabakadda Hadhwanaag, waxaana sidoo kale aan shabakada laga booqan karin khadka Internetka ee Somtel. Ma jiro wax war ah oo ay shirkadda Somcable ka soo saartay xayiraaddan oo ah nooc ku cusub saaxadda Somaliland.

Hase yeeshee, xarunta xuquuqal insaanka ayaa sheegtay in Somcable hawada ka saartay ka dib markii ay shabakadda Hadhwanaag faafisay war sheegaya in guddoomiyaha shirkaddan Maxamed Aw Siciid uu taageero dhaqaale siiyo xisbiga KULMIYE. Qoraalka xarunta xuquuqal insaanka ayaa wuxuu u qornaa sidan “Shirkadaha Somcable iyo Somtel ee bixiya adeegga interneetka ayaa xayiray shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews tan iyo 2dii January 2017. Hadhwanaag hada ma geli karaan dadka isticmaala interneetka Somcable iyo Somtel oo ah shirkado gaar loo leeyahay.

Hadhwanaag waxa la xayiray kadib markii ay daabacday war sheegaya in mulkiilaha Somcable, Mohamed Saed Guedi, inuu taageero dhaqaale siiyo xisbiga talada haya ee Kulmiye. Somcable waxaay Hadhwanaag u sheegtay inay warkaas ka saaraan bogooda.

In shirkad interneetka bixisaa ay xayirto warbaahin waxaay sii xumaynaysaa xaaladdda suxufiyiinta Somaliland oo marka horeba ku shaqeeya deegaan aan soo dhowaynayn. Waa arin aad looga walaaco in shirkadaha bixiya adeegga interneetku ay la saftaan dawladda si ay u cabudhiyaan saxaafadda.

Falka ay ku kacday Somcable waa mid aan la aqbali karin oo halis ku ah xorriyadda saxaaafadda. Xarunta Xuquuqal Insaanku si adag ayay u canbaaraynaysaa isku dayga ay Somcable ku doonayso inay gacanta ku dhigto wartebinta warbaahinta madaxa banaan. Xaq uma laha Somcable iyo Somtel inay sharciga gacantooda ku qaataan.

Dastuurka Somaliland wuxuu damanaad qaaday madax-banaanida saxaafadda wuxuuna mamnuucay wax kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda, sida ku cad qodobka 32aad ee dastuurka. Dastuurku wuxuu sidoo kale mamnuucay faro-gelinta xidhiidhada gaarka ah.

Xaruntu waxaay u soo jeedinaysaa Somcable iyo Somtel inay ka qaado Hadhwanaag xayiraadda oo ay joojiyaan faaf-reebka.”