Saddexda Xisbi Oo Ka Hadlay Kulanka Murashixiinta Ee Sabtida Iyo Amarka Booliska Ee Ugaadhsida Dadka Warbaahinta Iska Weerara

0
495

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Yuusuf kayse Cabdilaahi, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kulanka uu Komishanku iskugu yeedhay Musharixiinta Xisbiyada,ee la filayo in haddii ALLE idmo Sabtida uu dhaco.

1

Madaxdan xisbiyadu waxa kale oo ay ka hadleen hadalkii ka soo baxay taliska Booliska ee ahaa inay ugaadhsan doonaan dadka ka tirsan xisbiyada ee hadalada xanafta leh warbaahinta isu mariya, waxaanay soo dhaweeyeen talaabadaas ciidanka Boolisku soo kordhiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Yuusuf kayse Cabdilaahi, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay,  ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur uu yidhi isagoo ka hadlay kulankan “Abaari wey jirtaa, mar walbana Xisbiga Waddani, wuxuu diyaar u yahay inuu dadkiisa la qeybsado duruufta jirta, sidaas oo ay tahayna diyaar ayaanu u nahay in aanu galno Doorashada, sidaas oo ay tahayna kulan buu Komishankuna iskugu yeedhay Musharixiinta Xisbiyada, kulankaasna waxa loo balamay Sabtida, kulankaasna waxa lagaga arinsan doona sida danta loo arko, oo haddii go’aan lagu gaadho in Doorashada la galo, waa la gali doona, haddii go’aan lagu gaadho in xaalada aynu ku jirno Doorasho aan la gali Karina go’aan baa laga soo saarayaa, oo wakhti la isla gartay ayaa dib loo dhigi doona, laakiin muddo kordhin aan meelna haysan waxay ila tahay in aanay dhici doonin”.

, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur mar uu ka hadlaayey go’aankii ka soo baxay Ciidamada amaanka ee Booliska iyo aragtidiisa ayaa yidhi “Waanu soo dhaweeynaynaa amarka Taliyaha Ciidanka Booliska gaar ahaan in talaabo laga qaado Xisbiga ama cida wax cayda, si looga hortago dhibaato dhacda, waxaan se leeyahay Xisbiga Waddani, mar walba wuxuu ilaaliya maslaxda umadda  iyo danta qaranka, oo waxba ma caayo, waxaan se ku talinayaa in Telefishiinkii Qaranka iyo Idaacadii Qaranka ee loo baahnaa inay dhex noqdaan in cid gaar ah ka caytanto, waliba Madaxda Qaranka iyo Madaxda Xisbiga Waddani laga caayo, markaas in iyana la xakameeyo ayaa loo baahan yahay”.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Yuusuf kayse Cabdilaahi, oo isna ka hadlay sida uu arko kulanka la iskugu yeedhay Musharixiinta Xisbiyada ayaa yidhi “Guddoomiyihii Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, khamiista ayuu dalka ku soo laabanaya, kulanka la iskugu yeedhay Madaxda Xisbiyadana ee Komishanku iskugu yeedhay waxaan u arkaa inuu yahay mid lagaga arisanayo arinta Doorashada iyo Abaaraha taagan, laakiin anigu uma arko inay Doorasho dib u dhacayso, maxa yeelay ilaa hadda Komishanku hawlihiisi wuu wataa waxaanu sheegay in wax ka xumi in aanu jirin, haddii ay Doorashado dib u dhacdana abaartaas darteed ayey dib ugu dhici kartaa”.

Xoghayaha Xisbiga UCID Yuusuf kayse mar uu ka hadlaayey amarka Ciidamada Amaanka ee Xisbiyada Qaranka ayaa yidhi “In la ilaaliyo Nabada waa muhiim, in Axsaabtu ay aad uga fiirsadaan waxay ku hadlayaan oo aan Warbaahinta la iska caayina waa muhiim, in Ciidanku amar ka soo saaro, oo uu ka hor tago wixii dalka dhib u keeni karana waa loo baahan yahay”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee XIsbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo isna ka hadlaya aragtidiisa ku waajahan kulanka Komishanka iyo Musharixiinta Saddexda Xisbi iyo in la filan karo muddo kordhin ayaa yidhi “Ilaa hadda wax muddo kordhin ah oo aanu ka maqalnay Komishanka ma jirto, ilaa haddana Doorashadu wakhtigeedii dib ugamay dhicin, oo waxaanu ognahay kana war qabnaa in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacayso, laakiin haddii Guddidii Doorashooyinku iskugu yeedhay Madaxda Xisbiyada, oo uu la balamay Sabtida waxaynu eegi doonaa kulankaas wixii ka soo baxa”.

Guddoomiyaha labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere mar uu ka hadlaayey amarka Ciidamada Amaanku ka soo saareen Xisbiyada ayaa yidhi “Aflagaadadu iyo cayda sideedaba ma wanaagsana, Xisbiga Kulmiyena mar walba wuu ilaaliya anshaxa iyo asluubta, wax aflaagado ahna kuma kaco, iyadoo guud ahaan Ciidankeenu yihiin kuwa ILLAAHAY ka sakow amaankeena ilaaliya, oo naftooda u hura shacabkooda, haddana waan soo dhaweeynayaa amarka  ah in talaabo laga qaado Xisbiga aflagaado ama cay ku kaca”.