Xuquuqal Insaanka Oo Ku Baaqay In Weriye Muniir Helo Cadaalad Dhammaystiran

0
608

Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha xuquuqal insaanka madaxabanaan ee Somaliland Guuleed Axmed Jaamac, ayaa ku baaqay in muwaadin Muniir Axmed Cigaal uu helo cadaalad dhammaystiran islamarkaana laga qaado xanibaada laga saaray ehelkiisa.

1

Guddoomiye Guuleed, wuxuu kaloo sheegay inaan markii la xidhay weriye Muniir loo soo qaadan waaran maxkamadeed oo sharci ah balse la iska qabtay, “Muniir waa saxafi sidoo kalena waa siyaasi xadhigiisana looma soo marin sifo sharci ah. Markaas waxaan ku baaqayaa inuu helo cadaalad oo kiiskiisa looga garnaqo si cadaaladeed mar haddii uu yahay kiis siyaasi ah.” ayuu yidhi Guuleed, waxaanu intaas raaciyay “Dastuurku wuxuu xaq u siiyay qofka la xidho iinu la kulmo ehelkisa, qareen iyo ciddii u dalbado. Muniir Axmed Cigaal xaqaas waa inuu helaa.”

Wuxuu ugu dambayn Guuleed sheegay in weriye Muniir si deg deg ah maxkamadda loo horgeeyo, loona bilaabo dhagaysiga dacwadiisa iyo cidda haysataa dacwada ay ku soo oogtay, “Haddii kale waa inuu xorriyadiisa helaa oo aan xabsiga la iskaga sii hayn muwaadinkan.” ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda xuquuqal insaanka Somaliland.