Shaqaalaha Baanka Dahabshiil Oo Loo Soo Xidhay Tababar Ku Saabsan Tayaynta Iyo Kobcinta Maamulka

0
828

Hargeysa (Geeska)-Tababar ku saabsan tayeynta iyo kobcinta aqoonta maamulka ayaa waxa loo soo gaba gabeeyey 16-shaqaale ah oo ka tirsan Shaqaalaha Dahabshiil Bank.

1

Tababarkan oo muddo saddex cisho ah socday ayaa waxa qabtay khabiir ku xeel dheer aqoonta Banaanka Islaamka oo lagu magacaabo Ismaaciil Aadan Iidle, kana socday Hay’adda Al-amana Consultancy Limited waxaana munaasibadii lagu soo xidhaayey Tababarkan oo ka dhacay xarunta Dahabshiil Bank  ka soo qayb galay , Masuuliyiin Dahabshiil Bank, Madax ka socotay Hay’adda Al-amana, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadashay Khadiija Cabdilaahi ayaa ka war bixisay nuxurka tababarkani ku saabsanaa, waxayna sheegtay in Tababarkani uu qiimo aad u balaadhan u leeyahay Shaqaalaha Dahabshiil Bank.

Dhanka kale Ismaaciil Aadan Iidle oo ka socday Hay’adda Al-amana isla markaana ah khabiirkii isagu tababarkan bixinaayey oo isna munaasibadan xidhitaanka ka hadlay  ayaa sheegay in Tababarkani wax badan ka tari doono hawlaha Baanka,waxaanu yidhi" Shirkadan aan ka socdo ee tababarka bixinaysa,waxa uu takhasuskeedu yahay inay tababaro siiso Baananka Ismaamiga ah ee ku yaala Barigga dhexe iyo Afrika,waxaanan u imid in aan tababarkan tayaynta Maamulka shaqaalaha aan siiyo shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil,waxaana uu tababarkani socday muddo saddex cisho ah,waxaana kasoo qeyb-galay dad tiraddoodu ay yihiin 16 Qof,waxaana ujeedka ugu weyni yahay in kor loo qaado adeegga la siinayo macmiisha Baanka,si loo gaadho macmiishu wax-kasta oo ay u baahan-yihiin iyo wax kasii badan”.

Gudoomiyaha Laanta Dahabshiil Bank ee Magaaladda Hargaysa Maxamed Siciid Cawaale oo ku hadlayay afka Maamulaha guud ee  Dahabshiil Bank oo ugu dambayntii ka hadlay munaasibadaas, soona xidhay Tababarkan, ayaa waxa uu u mahadnaqay Hay’adda Al-amana, waxaanu sidoo kale amaan balaadhan u soo jeediyey Shaqaalihii Tababarkan qaatay, isaga oo ku dhiirigaliyey in wixii ay barteen ku dabaqaan hawlahooda shaqo waxaanu yidhi "Waxa shaqaale-ahaan inala gudboon inaynu fulino aqoontaas ay baranay,aqoontii weynu baranay,weynu weelaynay,si fiicana runtii weynu u deris-nay,weynuna dareenay in shaqaddeena kor-u-qaadideedu u baahan-tahay inaynu tayayno shaqadda aynu qabanayno iyo addeegga ay Macmiilka u samaynayno.Dahabshiil Group,waa shirkad gansica macaamisheeda oo ku dedaasha tayaynta adeegga ay qabanayso oo waxay qabataan uu adeeg u badan-yahay,haddii ay tahay SOMTEL ama DAHABSHIIL BANK,qeybta Xawaaladda iyo qeybta Sarrifka,sidaas darted meel kasta Siminaaro ayaa ka socda aqoonta shaqaalaha kor loogu qaadayo”.