Xulashada Faysal Ee Ku-Xigeenkiisa Oo La Wada Sugayo Iyo Saadaasha Uu Bedeli Karo Jawiga Siyaasadeed

0
548

Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa weli laga sugayaa inuu soo xusho murashaxiisa madaxweyne-xigeen ee doorashada madaxtooyada.

Faysal ayaa looga bartay inuu arrimaha siyaasadda si deg deg ah go’aan uga gaadho, laakiin waxa ay dadka siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin in Faysal uu doorkan wakhti siiyay soo xulashada murashaxa madaxweyne-xigeen, waxaana la saadaalinayaa in shakhsiga uu soo xulan doonaa laga yaabo inuu wax badan ka bedelo muuqaalada siyaasadeed ee hadda shacabka u muuqda.

Labada murashax ee KULMIYE iyo WADDANI ayaa labadooda madaxweyne-xigeen waxa ay ka soo jeedaan gobalka Awdal, waxaana la saadaalinayaa in Faysal oo laba doorasho oo hore guuldaraystay uu doorkan isku dayayo inuu ciyaaro kaadh cusub, waana suurtogal in ku xigeenkiisu ka yimaado gobalada bari.

Haddii uu Faysal murashaxiisa madaxweyne-xigeen ka soo xusho gobalada bari ee dalka islamarkaana uu bedka keeno siyaasi saamayn leh waxa la arki doonaa laba nabar oo taariikhada siyaasadda ku cusub. Marka koowaad waxa  dhab noqon doonto inuu saamayn toos ah ku yeelan doono tirooyinka ay hadda xisaabsanayaan labada xisbi ee Waddani iyo KULMIYE, maadaama gobalada bari doorkan yeelanayaan murashax madaxweyne-xigeen.

Marka labaadna wuxuu Faysal jeexayaa taariikh cusub oo ah in la arko murashax madaxweyne-xigeen oo ka soo jeeda gobalada bari ee dalka oo ka qay galaya tartanka doorashada madaxtooyada ee dimuqraadiga ah.

Waxa kale oo la saadaalinayaa inuu Faysal sidoo kale la yimaado siyaasad cusub oo uu ku balaadhinayo talada xisbiga UCID, taas oo iyana haddii ay dhacdo noqon doonta dhacdo kale oo isbedel keeni karta.

Si kastaba ha ahaate, indhaha dadka siyaasadda xiiseeyaa waxa ay eegayaan dhinaca uu Faysal dab-ridka u sameeyo iyo weliba shakhsiyaadka uu keeno saaxadda siyaasadda ee xisbiga UCID.