“Xukuumaddu Taladii Iyo Xukunkii Way Dalka Haysaa, Laakiin 18 May Kaligeed Ma Leh”

43
2811

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay xuska  18 may iyo maalinta loo asteeyey ee 15 may, waxaanu tilmaamay in maalinta xuska 18 may ay tahay maalin Qaran, oo Dastuuriya,waxaanu siyaasad xumo ku tilmaamay qaabka loo bedelay.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray labada beelood ee walaalaha ah ee dagaalku dhexmaray, waxaanu ugu horeyn yidhi “Ramadaan ayey ku beegan tahay maaha wax lagu baajiyo 18 may, waxa la awooday in goor hore oo waaberiga ah la maro, oo barqadaba la akhriyi karaa khudbadaha, ee maalintii aynu qaranimadeena qaadanay, ee aynu calankeena qaadanay, oo aynu dawladnimadeena qaadanay, oo aynu dib ula soo noqonay xoriyadeena maalin ramadaan awgeed ayaan uga cararayaa  waxaan u arkaa inay siyaasad xumo tahay, maalin ay taariikhu xustay, oo Dastuuriya in maalin kale loo bedelaa waa siyaasad xumo iyo nasiib daro, ta kale mar haddii ay ramadaan ku soo beegantay, waxa haboonayd in dadka masaakiinta ah ee reer Somaliland in laga farxiyo, oo la afursiiyo, haddii aynu nahay dad islaam ah, ramadaantu waxay leedahay cisigeeda iyo sharafteeda, Nabiguna SC dagaaladii ugu cuslaa wuxuu galay Ramadaan, ee maalin astaanteena ah may ahayn in la bedelo, ta kale haddii la bedelayo xuska maalinta qaranimada Somaliland, Xukuumaddu kaligeed ma leh maalinta qaranimada waxay ahayd inay wada tashi ka gasho,haddii ay bedelayso, ilayn waa maalin Dastuuriye, ilaa saddexda Sanno  ee soo socda haddii ALLE xukumo, 18 may Ramadaan bay galaysaa, ee siday wax tidhaahdo Xukuumaddan taladii dalka isku koobtay ayeynu eegi doonaa haddii ILLAAHAY yidhaah, Xukuumaddu waa dhab inay taladii iyo xukunkii dalka  hayso, laakiin 18 may kaligeed ma leh, ee waa maalin Dastuuriya, oo umaddu wada leedahay, ee inay wada tashi ka gasho ayey ahayd, saddexda sanno ee soo socda 18 may Ramadaan bay galaysaa ee haddii ALLE xukumo aynu eegno siday wax tidhaah”.

Dhinaca kale Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, wuxuu baaq nabadeed u diray labada beelood ee walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray deegano ka tirsan Degmada Ceel-afweyn, waxaanu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, oo ay nabada qaatan, waxaanu ku taliyey in sida ugu dhakhsaha badan in loo soo af jaro dagaalkan soo noq-noqday, xal iyo heshiis waarana loo dhex dhigo labadan reer ee isku deegaanka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here