“Marka Nabad Lagu Dhaarto Ee Nabadu Jabto, Labada Reer Odayaashooda U Dhaartay Ayuu Ingiriisku Guri Jiray”

0
1115

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay dagaalkii dhexmaray labadan beelood ee walaalaha ah ee wada dega Degmada Ceel-afweyn, waxaanu ku baaqay in Xukuumaddu xil culus iska saarto sidii ay u soo afjari  lahayd colaada labadan Beelood.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi“Marka nabad lagu dhaarto ee nabadu jabto, labada reer odayaashooda u dhaartay ayuu Ingiriisku guri jiray, oo meelo ka fog fog deegaanadooda ku soo xidhi jiray, mise waa inagoo dad muslim ah, ayaa kolba dhaartii la jabinayaa, ee uma taag hayno dagaal soo noq-noqda iyo dhiig gardaro lagu daadiyo, ee Xukuumaddu talaabo deg deg ah ha qaado, oo ha soo xidho odayaashii dhaartay, mar haddii ay dhaartii la jabiyey oo ay socon weyday”.

Mar uu ka hadlaayey dagaalkan soo noq-noqday iyo sida ugu haboon ee loo joojin karo ayaa yidhi “Labadan reer ee dagaalamayaa, ee dagaalkoodii kolba soo noqonayo, waxaan leeyahay idinka ayaa is huran, idinka ayaa isku waalid ah, idinka ayaa is dhalay, idinka ayaa wada dhashay, idinka ayaa is ah, idinka ayaa isku abtiya, oo isku adeera, dadkaas inaga dhintayna, wey inaga wada dhinteen, qadar ayey ahayd  inay sidaas u dhintaan, colaadina waxba ma tarto ee labada dhinacba waxaan leeyahay dagaalka joojiya, masuuliyaddda kowaadna waxa saaran tahay waa Dawladda ee waa inay Dawladdu qadiyadan daacad ka ahaata, oo sida ugu dhakhsaha badan u dhammaysaa colaada labadan reer, bishii Ramadaana wey soo galaysaa insha allaah ee ALLE ha laga baqo, oo colaada ha la joojiyo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here