“Xukuumaddani Sidii Ay U Soo Doobinaysay Markii Ay Xukunka Doonaysay Iyo Sida Ay Maanta Noqotay Waa Laba Aan Is Lahayn”

0
530

Picture6Hargeysa(Geeska):-Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md:Boobe Yuusuf  Ducaale ayaa si adag uga hadlay xaalada guud ee maanta dalku ku sugan yahay,waxaana uu sheegay in Xukuumada maanta jirta aanay noqonin sidii ay markii hore ee ay talada dalka doonaysay ay dadka u sheegi jirtay,waxaana uu carabka ku dhuftay in maanta gabi ahaanba layska illaabay wax ka qabashada ama fulinta qorshayaashii ay Xukuumadu dajisay ee Shanta Sano iyo sida oo kale qorshahii hiigsashada ee 30-ka Sano,waxana uu tilmamay in Xukuudan maanta jirta uu haleelay Xanuun uu ku sheegay Walaf kaasi oo uuu ku macneeyey in qorshihii xukuumadu isagu soo ururay xadhig ka jarida shan ,shanta kiiloo miter ee Waddooyinka dalka.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaara oo uu shalay siiyey shabakada Hadhwanaagnews.

"Xukuumadani sidii ay u soo durdurinaysay ama ay u doobinaysay markii ay markii ay Xukunka doonaysay iyo sida ay noqotay waa laba aan islahayn,intaas oo kaliya maaha waxaad arkaysaan dhibaatada ka taagan dhulkii danta guud ee Shacabka oo si badheedha oo caadiya loo leeyahay waa la iibinayaa oo waliba la leeyahay Xukuumada ayaa iibinaysa oo baahi loo iibiyaana aanay jirin kuma koobna oo kaliya arrimaha dibada,arrimaha gudaha oo waxyaalo badan ayaa jira oo a tahay inta yar ee ka hadhay waxii ay ka qaban karto Xukuumadani ka qabato deedna ay dawga u banayso,Xukuumadani Xukuumadani halkan waxaa ay ku timi balan qaad,buugbay dadka u qortay balan qaada oo ay tidhi waxaasaan qabanayaa oo a dadka codadkoodii ka siisatay buugaana boqolkii cisho ee ugu horeeyey waa aynu maqli jirnay laakiin maanta ma maqalno wax Allaala iyo waxii ka suura galay halkan dawladu waxaa ay ka balan qaaday barnaamij horumarineed oo shan sano ah iyo Soddanka sano ee Hiigsiga ah ee lagu daabacay Wasaarda Qorshaynta isagiina dib uma aragno,laakiintii dadkan xanuunka wada walafka ah qaba ee wadooyinka shanta Kiiloo miter ee marka Shan kiiloo mitir marka ma ladhisaba la odhanaayo xadhigii ayaa laga jarayaa,markaa waxyaalihii ay dadka u balan qaaday oo dhan ayaa sidaas ku baaqday"Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale

Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxaa uu sida oo kale sheegay in maanta aan beesha caalamku sugayn in muddo kordhin ay xukuumadu samaysato,sida oo kalena danta shacabka reer Somaliland iyo wada nooolaan shaheedu aanay ku jirin in muddo kordhin la sameeyo.

"Madaxweynuhu khudbad Sanadeedkiisii dhawayd maahee tii kal hore ee uu akhriyaayey ee uu Golaha Wakiilada Joogay dee khudab sanadeedkaas hadaladii ugu horeeyey ee uu ka yidhi ayey ka mid ahayd oo uu yidhi Saacad iyo maalin toona laygu darri maayo,horta madaxweynaha taas ayaa u taala oo balankaa iyo axdigaa in uu fuliyo ayaa laga rabaa dadkuna uma daafad hayaan in hadba Xisbigii yimaada ama xilka hayaa uu yidhaahdo waa lay kordhinayaa oo kursiga layska jeclaysto,maaha waa qaanuun oo waa sharci Madaxweynaha waa la doortaa,Baarlamaanka waa la doortaa,Golaha Deegaanka waa la doortaa inta haayad doorasho ku timaada waa ay mudaysan tahay inta ay Xilka hasana waa in ay diyaarisaa sidaa ay xilka iskaga wareejin lahay,markaa waa waajib saaran,dadkuna uma fadhiyo beesha caalamkuna inoogama fadhido danteenuna kuma jirto daganaanshaheena iyo wada noolaan shaheenuna kuma jiro"Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.