“Xukuumaddan Koobani Waxay Meesha Ka Saartay Dhaqaalihii Badnaa Ee La Lunsan Jiray Iyo Wasaaraddihii 3-da Wasiir Ku Magacawnaayeen”

45
3509

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ka mid ah Xidhlbaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ugu baaqay in xeerarka iyo shuruucda dalka ee qabyada ah uu wax ka qabto, lana kaashado Golaha Wakiilada, waxaanu kula taliyey in arimaha dhulka uu wax ka qabto, isagoo xusay in arimaha dhulka ay noqdeen aafo dalka dhibaato ku haysa.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale isbarbar dhig ku sameeyey Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo iyo Xukuumadda Muuse Biixi, ee dhinaca Wasiiradda, waxaanu xusay in dhaqaale badan oo ku bixi jiray Wasiiraddii hore inay meesha ka baxeen,waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Xukuumadda Muuse Biixi“Xukuumaddan kooban waxaan u arkaa inay tahay Xukuumad aad u muhiim ah, waayo markay Xukuumaddii aad u balaadhan tahay dhaqaale aad u badan baa ku lumi jiray, oo dhexdeeda waxba may soo dhaafi jirin, balse markay Xukuumaddu sidan u yar tahay ee ay u kooban tahay, wax badan baa la kantarooli karayaa, Masuul kasta oo uu Madaxweynuhu soo magacaabayna, Masuuliyadda saaran si fiican buu waajibkiisi iyo xilkiisa u gudunayaa, madaama ay Xukuumaddu kooban tahay, ninkii meel loo soo magacaabayna wax badan baa laga filayaa, dadka oo dhana wey wada eegayaan, waxna ma lunsan karo, waxna ma halayn karo, oo inuu masuuliyadiisa wada qabsado ayaa la rajaynayaa”.

Mar uu isbarbar dhig ku sameeynayey Xukuumaddii Axmed Siillaanyo iyo Xukuumadda Muuse Biixi ee dhinaca tirada Wasiiradda iyo Wasaaraddaha ayaa yidhi “Koobnaata Xukuumadda ayaa muhiim ah, oo markay Xukuumaddu kooban tahay dhaqaale badan oo Xukuumadda dhexdeeda ku lumi jiray, ayaa meesha ka baxay, marka ay Wasaarad kasta saddex ilaa afar Wasiir ku magacaaban yihiin, dhaqaalihii wax lagu qaban lahaa iyaga ayuu ku baxaayey, Xukuumaddan koobani waxay meesha ka saartay dhaqaalihii badnaa ee la  lunsan jiray, iyo Wasaaraddihii saddexda Wasiir ku magacawnaayeen, ee dhaqaalaha wax umadda loogu qaban lahaa ee iyaga ku baxaayey”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Madaxweynuhu waxaan aaminsan nahay inuu sicir bararka wax badan ka qaban doono, maxa yeelay Madaxweynuhu waa nin go’aanadiisu cad-cad yihiin, oo ku dhac leh, si toos ahna wax uga qabanaya dhibaatooyinka dalka ka jira sida sicir bararka,  Madaxweynaha waxaan leeyahay madaama aad go’aan qaadasho iyo ku dhac leedahay aafada dhulka wax ka qabo, oo xeerarka iyo shuruucda dalka wax badan baa qabyo ah, ee wax ka qabo adigoo la kaashanaya Golaha Wakiilada, oo maanta waxaynu maraynaa heer dhulka buuq badani ka taagan yahay, oo la is wada haysto, taas oo xitta xaabilihii dadka loo iibiyo, buurihii bay dadku sheeganayaan, haddii dhibaatooyinkan dhulka ee jira wax laga qaban waayana dhibaatooyin ka waaweyn ayaa iman kara”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here